Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Shir uga bilaab may Magaalada Jowhar Wasiirad Maamulka Puntulan iyo DF Somaliya

Wararka haatan aanu ka heleyo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in iminka uu halkaasi ka bilowday kulan fool ka fool ah oo ay yeelanayaan wasiiro shan ah oo ka socda maamulka Puntland iyo Guddi toban xubnood ah oo ka socda dowladda federaalka Soomaaliya. Wadahadalkan ayaa la xiriira muran ka dhashay Qeyraadka dalka oo dhex maray dowladda federaalka iyo maamulkaasi, waxaana labada dhinac kala hogaaminayo Wasiirka dastuurka ee dowladda federaalka iyo kan Maaliyadda ee maamulka Puntland sida uu RSTV u sheegay Wasiirka warfaafinta ee dowladda federaalka Maxamad Cabdi Xayir Maareeye oo ku sugan magaalada Jowhar oo aan la xiriirnay

Sida uu Maareeye sheegay labada dhinac waxaa ay muujinaayn sida ay diyaarka ugu yihiin ogolaanshaha qodobada laga hadlayo, waxaana uu intaa ku daray in kulankan lagu xalin doono dhamaan qodobada la isku hayo, isagoo intaa ku daray in labaduba ay isu tanaasulayaan isla markaasina Qeyraadka si siman loo wadaagayo. Qodobada heshiiska kulankan goor dhow ayaanu idiin soo gudbin doonaa haddii alaha awoodda lihi uu ogolaado, iyadoo haatan uu yahay mid soconaya oo aan illaa hadda go`aamo rasmi ah la gaarain

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

Muqdisho Somaliya

jakuula@hotmail.com