|
Kulankii Wasiiradda arimaha Dibada IGAD oo dibu dhac ku yimid

Wasiiradda arimaha dibadda IGAD oo la filayay in maanta uu ka furmo
magaalada Jowhar ayaa si rasmi ah loo shaaciyay in dib loo dhigay waqti aan
la cayimin
Wasiirka waxbarashada DFS Cali C/laahi Cosoble oo u waramayey RSTV ayaa
waxa uu sheegay warqad qoraal ah uu shalay soo gaarsiiyay wasiirka arimaha
dibadda Uganda lagu war galiyay in kulanka wasiirada arimaha dibadda IGAD uu
dib u dhac ku yimid.
Shirka wasiirada arimaha dibadda IGAD ayaa waxaa la sheegay in uu
qabsoomi doono marka ay soo sheegto wasaaradda arimaha dibadda dalka Uganda
oo shir gudoomisa shirarka wasiirada arimaha dibadda Uganda.
Si kastaba ha ahaatee waxaa jirey hadalo ka soo yeeraayey xubnaha
dolwadda FS Garabka Muqdisho oo ay ugu baaqeen wadamada IGAD in ay dhex
dhexaad ka ahaadaan arimaha murugsan ee Somaliya, isla markaana aanu la
safan dhinac ka mid ah dowladda FS
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|