Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

Shirkadaha shidaalka Shisheeyaha ah oo ku tartamaya qandaraaska ay bixinayso dawlada KMG ah ee Soomaliya.

 Xukuummadda Soomaaliya ayaa ayaa soo dhaweysay wadahadallada lala galo shirkadaha shisheeye ee doonaya in shidaal baaris ay ka sameeyaan gudaha dalka Soomaaliya,sida uu ka dhawaajiyay madaxweynaha dalka Soomaaliya C/llaahi Yusuf Axmed oo ka hadlayay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.Saliidda iyo gaaska ku jira dhulka Soomalida ayaa si aad ah usoo jiitay dareenka shirkado dhinaca shjidaal baarista qaabilsan oo reer galbeed ah  ka hor intii dalku aanu fowdada madaxa la gelin sanadku markuu ahaa 1991-kii .

Diplomaasiyiin ayaa shegaya in shirkado Asian ah ay iyaguna si aad ah u daneynayaan howlo shidaal baaris ah in ay ka sameeyaan dalka Soomaaliya iyadoo haatan ay socdaan dadaallo ku wajahan  degenaasho rasmi ah in loo helo dalka Soomaaliya,kaddib muddo dheer oo dagaallo sokeye uu dalku soo maray.Madaxweyne Yuusuf waxaa uu isku dayayaa in uu hirgeliyo dowlad dhexe oo fadhisa kaddib markii sanadkii ho0re madaxweyne loogusoo doortay shirkii nabadeynta Soomaalida ee ka dhacay dalkaKenya ,waxaana isagoo wareysi siinayay wakaaladda wararka Reuters u yiri"shirkad kasta oo daneyneysa in ay ka shaqeyso kheyraadka rabbaniga ah ee Soomaaliya way imankartaa si wadahadal ay ula sameyso dowladda ,dalkii ay doontaba ha ka socotee".

wax kasta kaddib waxaanu eegandoonaa danteenna  shirkaduhu ha tartameen markaa kaddib waxaa guleysan doonta shirkadda ugu wanagsan oo qandaraaskana qaadandoonta"ayuu yiri madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ka hadlayay magaalada Nairobi isagookusiio jeeda dalka Sacuudiga oo uu masuuliyiinta dalkaasi u kulasoo yeelandoono wadahadallo ku saabsan kaalmada suuragalka ay tahay in Soomaaliya ay sacuudiga ka hesho.

Shirkado waaweyn oo intii ay jirtay dowladdii hore ee Soomaaliya in badan isku dayay in shidaal baaris ay ka sameeyaan dalka Soomaaliya ayaa haatana u kala tartamaya in howsha shidaal baarista ay helaan ,waxaana shirkadahaas ka mida: Total , Chevron, Amoco,Conoco iyo kuwo kale.Saraakiil ka tirasan dowladdii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in wadahadal ay kula jireen 12 shirkadood oo shisheeye kala hor dhicitaankii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ,lakin suuragal ma aaney noqon wadahadalladaasi in ay sii socdaan,sababtuna waxa ay tahay dowladdii Soomaaliya oo meesha ka baxday.oo dalkuna uu dagaloo sokeeye madaxa la galay.

 

Dagaaladaasi waxaa ay sababeen in boqollaal kun oo qofi ay u geeriyoodaan gaajo,rasaas iyo cudurro si fudud looga hortagi karay.Inta badan deegaanadii baarista ilaa iyo wqatiga laga sameeyay aya ahaa deegannada haatan hoos yimaada maamulka Soomali land oo sanadkii 1991-kii ku dhawaqay Somalia inteeda kale in uu ka go'ay,ghase ahatee wali aan aqoonsi caalami ah helin,sdia ay sheegeyso warbixintan oo ay qortay wakaaladda waraka Reuters.

Mar la weydiiyay bal in uu go'an ka gaarayo waxa uu ka yeelayo hesiisyadii ay gashay dowladdii hore ayaa madaxweynaha dalka Soomaaliya waxaa uu sheegay in uu u baahanyahay warbixinno dheeraada oo la xiriira sidi ay wax ahaayeen ka hor inta aanu arrinta ka hadlin.'waaa in aan arko dakumentiyada 'ayuu yiri madaxweyne Yuusuf oo inta raaciyay 'haddii Shirkaduhu ay dokumentiyo heystaan wa in ay na tusiyan"

Waxaa jira wara sheegaya in in madaxweynuhu uu wadahadal hor dhaca ah la sameeyay sarakill shjiinees agh oo ay kawadahadleen arrimop la xiriira sidii ay dowladda shiinuhu kaalin weyn kaga qaadan lahayd  dib u dhiska dalka Soomaaliya ee bur bruay,lakin sdia wakaladda wararka reuters ay qoreyspo madaxweynuhu arintaa waa uu beeniyay waxaana uu sheegay in aaney jirin cid wali si toos ah ugala hadashay arrinta iyo tan kale ee ku saabsan howlaha shidal baarista .Laakin bishii July ee sandkan ayaa wasaradda arrimaha dibadda ee dowladda federallka ku meelgaarka ahi warbixin ay sii deysay waxaa ay ku shegtay in dowladda shiinuhu ay dooneyso in door aad u frifircoon ay ku yeelato dib u dhiska dalka iyo arrnta la xirirta in shidaal ay dalka ka baaraan shirkado shinuhu uu leeyahay

 

Maxamed Cumar Sheeq.

Rochester Somali Tv ,Muqdisho.

Mcadde@rstvonline.com.