|
Shirkada Banaadir oo la xaqiijiyey inay lug ku leedahay Qalabka Ciidan ee ka
dagaayo dekada Ceelmacaan ee duleedka Waqooyiga magaalada Muqdisho
Shirkadda Banadir ee gacanta ku hesya dekedda Ceelmacaan ayaa la
xaqiijiyay in ay ku lug leedahay ilaalinta qalab ciidan oo dowladda FS
garabka Jowhar uga degaya dekedda Ceelmacaan ee duleedka dhinaca waqooyi ee
magaalada Muqdisho.
Mid ka mid ah mas’uuliyiinta dekedda Ceelmacaan oo ka gaabsaday in la
shaaciyo magaciisa ayaa RSTV u sheegay in shirkadda Banadir ay adkeysay
amaanka guud ee dekedda Ceelmacaan, taasoo uu sabab uga dhigay sidii ay
qalabkaasi ciidan iyagoo bad qaba ay u tagi lahaayeen magaalada Jowhar oo
haatan uu ku sugan yahay Madaxweyne C/laahi Yusuuf.
Waxa uu intaasi ku daray in dekedda Ceelmacaan ay soo gaareen Gudi ka
socd Dhinaca magaalada Jowhar oo loo xilsaaray dajinta iyo hubinta qalabka
ciidan ee markabkaasi u sida dowladda FS garabka Jowhar.
Inkastoo mas’ulkaasi uu sheegay in maamulka shirkadda Banadir ay la
wareegeen amaanka iyo geeynta qalabkaasi ciidan marka laga reebo ayaa waxaa
jira dhowr gawaari oo kuwa dagaalka ah oo horkici doonta qalabkaasi ciidan.
Sidoo kale Waxa uu sheegay in sanaadiiqda qufulan qaarkood ay ku jiraan
isgaarsiinta ay adeegsadaan ciidamada, isagoo sheegay in ay suurto gal tahay
in qaar ka mid ah sanaadiiqda ay hub ku jiraan.
Gaadiidka wali dulsaaran markabka ayaa qaarkood la sheegay in ay
gaashaaman yihiin, iyadoo xiliyada habeenkii oo kaliya la dajiyo,
Markabkaan oo 9 bishaan ku soo xirtey dekedda Ceelmacaan ayaa waxaa la
sheegay in qalabka ciidan ee saaran ay dowladda Talyaaniga ugu deeqday
dowladda FS garabka Jowhar si loo siiyo ciidamada Booliska ee dhowaan
saraakiishooda tababarka ay ku soo qaateen dalka Uganda.
MUXYADIIN CALI JIMCAALLE JAKUULA
JAKUULA@HOTMAIL.COM
a
MUQDISHO SOMALIYA
|