Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Dowladda Federalka Soomaliya oo walaac ka muujisay lacagaha shirkadaha australia

Dowladda FS ayaa ka hadashay walaaca ay ka qabto seyladda lacagaha Australia oo Shirkad laga leeyahay wadankaasi heshiis la saxiixatay maamul goboleedka Puntland.

Ra'isulwasaaraha dowladda FS ayaa warqad uu u diray seyladda lacagaha wadanka Australia kaga hadlay walaaca faraha badan ee xuikuumadiisa ay ka muujineyso shirkad yar oo kuwa waxbaara oo fadhigeedu yahay magaalada Berte ee Australia oo iyadu sheeganeys in heshiis baaritaan xagga saliida ah iyo waxyaabaha kale ee dabiiciga ah ay ka baari doonto gobolka Puntland ee ku yaala Somaliya.

Warqadaan uu u Direy Ra'isulwasaare Geedi Australian Stock Agency ayaa waxaa sidoo kale uu ugu yaboohay in iskaashi uu ka bixin doono baaritaan walba oo lagu ogaanayo hadalada ay sheeganeyso shirkadda oo ah in heshiis ay la gashay maamulka Puntland.

Warqadaan Ra'isulwasaaraha uu dirrey ayaa waxa uu ku sheegay in heshiiskii lala galay maamul goboleed Puntland uu yahay mid sharci darro ah waayo buu yiri" dowladda Kaliya ee heshiis la saxiixan karto shirkadaha caalamiga in ay tahay dowladda FS oo iyadu awood u leh in wada xaajood ay ka gasho xuquuqda dhinaca saliida iyo macdanka Somaliya yaala.

Warqadaan oo iyadu ku taariiqeysneyd 6dii bishaan aynu ku jirno ee october ayaa waxa ay aheyd maalin sidoo kale shirkad la yiraahdo Range Resources oo ah shirkadda Australia heshiiska la gashay ay ku dhawaaqday in ay heshiis kale la gashay shirkad kale oo la yiraahdo Consort Private oo ah in ay iibsato 50.% xuquuqda gaarka ah iyo mida kaliya ee ah vaaritaanada iyo horumarinta ceelasha saliida iyo sidoo kale kheyraadka kale ee Puintland.

" waxa aynu fahamsan nahay arintaan hadii aan waqtigaan la joojin ay saameyn ku yeelan doonto shirkada Austreliyanka ah ee heshiiska la gashay Maamulka Puntland iyo suuqa seyladda lacagaha ee Austreliya" ayuu yiri".

Waxa aynu idinka dalbaneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan aad suuqa u galisaan arintaan ayay aheyd waxa Ra'isulwasaare Geedi uu ku sheegay qoraalka uu diray.

Saamiyada lagu leeyahay shirkadda Range Resources ee heshiiska la saxiixatay Puntland ayaa waxa ay qorsheyneysaa in heshiiska uu noqdo 3.45 minyal oo doollar, iyadoo inta badan lacagahan la isdhaafsaday.

Waxaa sidoo kale la is weydaarsaday 94 milyan oo doollar,iyadoo sicirka lacagta uu kor uga kacay 28% labo cesho ka dib marki shirkadda ay ku dhaqaaqday in heshiis ay la gashay maamulka Puntland .

Shirkadan la yiraahdo Cosort Private oo iyadu la amaaninsan yahay in ay ka howlgasho jasiiradda Malpiibisi ayay fadhi ku leedahay magaalada London xagga sharciga u qaabilsan ayaa waxa ay heshiis la gashay maamulka Puntland 30 kii bishaan August, heshiiskaasi oo ka dhacay Hotel Hilton ee magaalada Dubai.

Heshiiska Dhex maray labada dhinaca ayaa ujeedadu waxa ay tahay in shirkadda ay ka baarto saliid gobolka Puntland, hasyeeshee tani ayaa waxa ay dood culus ka dhalisay wadanka Somaliya, iyadoo ay jiraan xiisado ka dhex oogamay maamulka Puntland iyo dowladda FS.

28 kii bishii August ayaa Ra'isulwasaare Geedi waxa uu kaga digay maalagliyeyaasha caalamka in heshiisyo ay la saxiixdaan maamul goboleedyada sida Puntland oo kale.

XAdgudub walba oo loo geysto hadalka aan oronayo waxa uu keeni doonaa cawaaqib aan wanaagsaneyn ayaa Ra'isulwasaare Geedi ku yiri warqad uu u direy Australia.

muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya