Cabdiraxman Yabarow
BBCSomali.Com
|
 |
Kooxdan oo la baxdey National Civic Forum oo si ku meel gaar ah
af-Soomaali ahaan magacoodu loogu fasirey Sawaxanka ama Dawanka
Xadaaradda Ummadda waxa aqoon Is-weydaarsigoodu socon doonaa ilaa
maalinta Jimacaha ee soo socota.
Sidii dhacdey shir hadda ka hor ay kal hor
qabteenba, marka uu kulankan dhamaada waxa la filayaa iney baaq ama
go'aamo la xiriira wixii ay ku faaqideen aqoon is-weydaarsigooda ay soo
saaraan.
Aqoonyahanada Soomaalida ee ka soo qeybgaley
kulankan waxa ay ka kala yimaaddeen Mareykanka iyo Yurub; waxa kale oo
aqoonyahanadan ka mid ah qaar ka yimid Soomaaliya gudaheeda iyo kuwa
joogey Nairobi.
Hawsha u taal kooxdan
Sida ka muuqatey furitaankii kulankooda,
aqoonyahanadan ku shiraya Nairobi waxa hor yaal dhowr maalmood oo hawl
adag ah.
Waxyaabaha ay kooxdan ku tallaabsan doonto waxa ka
mid ah in ay la kulmaan xubno ka tirsan beesha caalamka, hey'ado
samafaleed iyo weliba haddii ay suurtgasho iney arkaan dad matalaya
dowladda Federaalka ee KMG ah.
Inta shirku socdo waxa kooxdani ay falanqeyn
doontaa dastuur ay iyagu soo sameysteen oo ka hadlaya waxyaabaha
hawshoodu noqon doonto, habka loogu soo biiri karo iyo waxa ay qaban
doonaan sanadka ugu horeeya ee hawlgalkoodu hirgalo ama shanta sano ee
na soo heysa.
Waxa diiradda la saari doonaa qaabeynta Ururkan
cusub ee Sawaxanka Xadaaradda Umadda iyo ansaxinta dastuurkooda, lana
dajiyo qorsho hawleedkiisa. |