Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Shir looga hadlayo arimaha somaliya oo berri ka furmaya magaalada Bomako ee dalka Mali

Shirka Dalalka Africa ee ku hadla Afka Faransiiska ayaa si rasmi ah lagu wadaa inuu maalinta berri ah uga furmo Magaalada Caasimadda ah ee Bamako ee dalka Mali, iyadoo shirkaasi arinta Soomaaliya si weyn loogu falan qeyn doono.

Hogaamiyaasha ilaa iyo 53 dowladood oo Afrikaan ah ayaa maanta ku sii qulqulaya Caasimadda Bamako ee dalka Maali si ay uga qeybgalaan Shirmadaxeedka 23-aad ee dalalka Afka Faransiiska ku hadla, waxaana hogaamiyaasha Shirkani ay kaga doodayaan qaabkii loo xasilin lahaa xaaladaha dagaal ee ka jira Qaaradda Africa, waxaana qodobada ugu weyn ay tahay ka qeybqaadashada xal loo helo fowdada sii kordheysa ee ka taagan dalka Soomaaliya gaar ahaan muranada, khilaafaadka iyo dhaqdhaqaaqyada Military ee dagaalo abuuri kara oo ka soo cusboonaada gudaha kooxaha hubeysan ee Soomaalida.

Shirkani oo muddo laba cisho ah socon doono ayaa waxaa hadal kooban ka jeedin R/wasaare Cali Maxamed Geedi oo ku matalaya Shirka qaab korjoogto Magaca Soomaaliya, waxaana la filayaa inuu soo hadal qaado culeyska xukuumadiisa ku heysta gudaha dalka Soomaaliya.

Qodobada xiga ee Shirka ee ka khuseeya arinta Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Tahriibka iyo dhoofka Sharci darada ah ee ay ku dhaqaaqaan Soomaalida, Marookaanka, Aljeeriyaanka, Ethopianka, iyo kuwa kale.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Mr.Jack Chirac oo furitaanka Shirkani hadal daaha uga rogi doona ayaa ku boorin doono Hogaamiyaasha Africa inay go’aan ka gaaraan Mushkiladaha ka taagan dalalka Soomaaliya, Suudaan, Ivory Coast iyo kuwo kale,iyagoo iskaashi la sameynaya Xoogag Nabad ilaalineed oo hoos yimaada Q.M.

Xoghayaha Guud ee Q.M Mr. Koffi Anan oo isna ka mid ah Madaxda lagu casuumay Shirkani ayaa soo jeedin doono Talooyin ku aadan wax ka qabashada xaaladaha colaadeed ee weli ka taagan Africa, Aidska iyo Faqriga.

Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula

Jakuula@hotmail.com