Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Xildhibaan Caraale oo Muuse Suudi ku sheegay fowdiiste doonaya in aan jaha wareer laga bixin

Xildhibaan Xuseen Caraale Caddaan oo ka mid ah mudanayaasha ugu magaca dheer xubnaha golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo xildhibaanno kale oo uu ka mid yahay Ing. Maxamed Xuseen Caddow, Ing, Xuseen Cabdi Wade iyo kuwo kale ayaa maanta ka baxay shir ka socda hotelka Saxafi oo looga hadlayey arimo ay ka mid yihiin sidii maamul cusub loogu sameyn lahaa Gobolka Banaadir.

Xildhibaan Xuseen Caraale ayaa Saxaafada u sheegay in ay isaga guureen hoteelka Saxafi oo uu sheegay inuu bar u noqday mas'uuliyiinta raba iney qas iyo fowdo ku jaha'wareeriyaan bulshada.

Markaan aragnay in Muuse Suudi uu wuxuu rabo iska sheegayo, fowdaduna ku badatay halkaan ayaan go'aansannay inaan ka guurno hoteelka" magaaladana dhinac ka galno" ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Caraale oo oo intaa raaciyay in maamulka Gobolka Banaadir uu dhisan yahay uuna soo magacaabay nidaamkana soo dhisay xubnaha wasiiradan.

Shirkii Maanta ee xubnaha labada gole ayaa Muuse Suudi uu horkeenay in maamul cusub loo dhiso gobolka Banaadir si looga takhluuso midka uu Guddoomiyaha ka yahay Cadde Xasan Cali Gaabow, taas oo si weyn ugu soo horjeesteen inta badan Xildhibaannaddii shirkii maanta yimid, ugu danbeyntiina Maxamed Jaamac Furux ayaa soo jeediyay in dooda qodobkaa lala sugo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Waxaana arintaani noqonaysa mid muujinaysa qliifaka u dhaxeeya xubnaha labada gole DFS ee ku kala sugan muqdisho iyo jowhar

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

Jakuula@hotmail.com

Muqdisho