| IGAD
oo Shir ku qaban doonta magaalada Jowhar,
Shirkii IGAD ee mar sii horeeysay baaqday ayaa lagu dhawaaqay inuu
markale dib ubilaaban doono maalinta 29.11.2005 oo ku aadan maalin Qamiis
ah.
Sida aan ka helay ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay ii xaqiijiyeen in uu
qabsoomi doono, waxaana ka cudur daartay dawlada Eratariya iyadoo lagu wado
inta kale inay kasoo qayb gali doonaan.
Maalinta 28.11.05 ayaa waxaa magaalada Jowhar soo gaari doona 2 xubnood oo
xoghayn ka ah uruka IGAD iyadoo gogol xaar ay u yihiin wasiiradana ay imaan
doonaan.
Shirkaani oo markiisa hore baaqday ayaa waxa lagu micneeyey inuu arimo
farsamo u baaqday iyadoo dib loo dhigay oo uu codsaday gudoomiyaha xiligaan
oo ah dowlada Ugandha.
DFS, iyo maamulka gobolka ayaa waxaad ka dareemaysaa inay ku jiraan diyaar
garoow iyadoo gudigii loo xilsaaray inay qaban qaabiyaana ay hawlahoodi dar
dar galiyeen.
Mar aan kala sheekeystay mid ka mid ah qaban qaabiyeyaasha ayaa ii sheegay
inay ku hawlan yihiin sidii ay u diyaarin lahaayeen ajandayaashii shirka iyo
waliba sidii ay ku dagi lahaayee wafuuda ka qayb galaysa kulankaani.
Muxyadiin Cali jimcalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho somaliya
|