|
Wafdiga Dhalxa ayaa ka qeyb galey shirka barlamanka Carabta
Waxaa shaley magaalada Qaahira ka furmay Shirka Baarlamaanka Jaamacada
Carabta. Shirka waxaa furay Madaxweynaha dalka Masar Xusni Mubarak.
wafdiyo kala duwan oo ay kala hogaaminayaan Guddoomiyaha Baarlamaanka
Shariif Xassan iyo Kuxigeenkiisa Prof.Maxamed Cumar Dalxa ayaa waxaa loo
ogolaadey inay si rasmi ah shirkan uga qeyb galaan dhamaan wafdigii la
socday Prof.Dalxa ee ka yimid magaalada Jowhar.
Labadan wafdi ee ka socday dalka Soomaliya ayaa mid waliba sheeganayaa in ay
sitaan casumaada Baarlamaanka Soomaaliya uga qeyb galaya Shirka maanta ka
furmay Qaahira ee Baarlamaanka Jaamacada Carabta.
Wafdigii la socday Shariif Xassan Shiikh, Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay ku
wehliyeen 3 xildhibaan ayaa waxaa loo ogolaaday in shirka uu ka qeyb galo
Shariif Xassan oo kaliya.
Xildhibaanadii kale ee la socday Shariif Xassan wafdigiisa ayaa loo sheegay
in xubnaha Baarlamaanka uga qeyb galaya ay yihiin Wafdiga ka yimid magaalada
Jowhar oo uu horkacayo G/Kuxigeenka Maxamed Cumar Dalxa iyo Guddoomiyaha
Shariif Xassan oo asagan lagu daray shirkaasi.
Dhacdadaas waxaa si weyn uga xumaadey Xildhibaanada garabka Muqdisho oo
sheegay in Jaamacada Carabta ay si gaar ah casumaad ugu dirtay xildhibaanada
ku sugan magaalada Jowhar.
Xildhibaano ay kamid ahaayeen Yusuf Xassan Ibraahim (Dheeg) iyo Zakariya
Xaaji Maxamuud oo kamid ahaa Wafdiga shariif Xassan ayaa si weyn uga
carooday kadib markii laga celiyey shirkii maanta ka dhacay Qaahira.
Waxaa la filayaa in shirkan Baarlamaanka Jaamacada Carabta lagu dhisayo
Xubnaha kusoo aaday dowlada Soomaaliya ay tahay 4 xildhibaan, ayadoo loo
badinayo in ay kuwaasi noqdaan xubnaha ka yimid magaalada Jowhar ee kamid
ahaa wafdigii Dalxa. Balse arrintaasi ayaa la sheegay in ay tahay mid weli
murran weyn uu ka taagan yahay.
Maxamed X.Xaaji
RSTV Indiana
|