Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Xubnaha labada Gole ee Muqdisho kulankoodii maanta oo lagu kala dareeray

Kadib Markii muddo badan dood si hoose u socotay yeesheen Xubnaha Labada gole qeybta Muqdisho ayaa ugu dambeyntii lagu kala dareeray fadhigii Maanta ku yeesheen Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho kadib markii la isku mari waayay qodob ku saabsanaa maamul u sameynta Gobolka Banaadir.

Xubnaha labada gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya qaybta magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka soo saareen fadhigii maanta labo qodob oo ay ka kala mid yihiin, qodobka ugu horeeya oo ah Buug dhowaan ay soo saatay hay'adda UNESCO oo ay ku sheegeen buugaasi in uu yahay mid wax u dhimaya dhaqanka iyo waliba siyaasad ahaan beelo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed (Beesha Jareer Weyne

Laakiin warar ku dhaw dhaw kulankaas ayaa sheegaya in lagu kala tagay markii Muuse Suudi iyo Maxamed Qanyare soo bandhigeen arrimo ku saabsan Maamul u sameynta Gobolka Banaadir.

Arrintan ayaa waxaa ka soo horjeeda Xildhibaano ku sugan Muqdisho, kuwaas oo ku dooday in la taageero Maamulka cadde ka yahay Guddoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho.

Xalay ayaa sidan oo kale dhacday kadib markii la soo bandhigay qodob ah in maamul cusub loo sameeyo Gobolka Banaadir, waxaana muuqata in xubnaha Labada gole qeybta xamar ku kala qeybsan yihiin arrintan oo ay watan Muuse iyo Qanyare.

Muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya