|
Max'ed Dheere oo xabsiyada Jowhar ku xiraya maxaabiista laga soo qabto
gobolka Hiiraan
Golaha dhaqanka odayaasha gobolka Hiiraan ayaa si weyn uga horyimid hadal
uu sheegay Max'ed Cumar Xabeeb Max'ed Dheere, kaasi oo ahaa in qofkii dambi
ku galaa gudaha gobolka Hiiraan lagu soo xirayo gobolka Sh/dhexe gaar ahaan
magaalada Jowhar ka dib kulan ay yeesheen odayaashaasi.
Kulankaan oo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ay yeeshaan todobaadkiiba
mar ayaa waxa ay si weyn ugu cambaareeyeen hadaladii ka soo yeeray
Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe Max'ed Dheere, oo dhowaan gaaray degaanka
Shaw ee gobolka Hiiraan, isagoo sheegay in uu halkaasi u yimid dhex
dhexaadinta labo beelood oo dagaal uu ku dhex maray degaankaasi.
Max'ed Dheere oo hadalo halkaasi ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in
cidii dambi ku gasha gudaha gobolka Hiiraan lagu xiri doono magaalada Jowhar
ee gobolka Sh/dhexe isla markaana ay ciidamadiisa ay ka soo qaban doonaan
meel kasta uu ka joogo gobolka Hiiraan.
Golaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo ka kooban 63 xubnood ayaa
waxa ay ku tilmaameen mid Max'ed Dheere uu ku riyooday waa sida ay hadalka u
dhigeene,
Afhayeenka odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan Xasan Dirir ayaa waxa uu
sheegay in hadalka uu ku hadlay Max'ed dheere uu yahay mid xasilooni darro
ka dhex abuuri kara labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.
" Ma dhici karto mana dhici doonto in qof laga waday gobolka Hiiraan lagu
xiro xabsi ku yaala gobolka Sh/dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar ayuu
intaasi sii raaciyay Afhayeenka".
Raage Nuur Gaab oo ah nabadoonka ugu da'da weyn golaha dhaqanka gobolka
Hiiraan ayaa isaguna sheegay in maamulka iyo nabadgalyada gobolka Hiiraan ay
tahay mid u taal reer Hiiraan isla markaana aysan aheyn mid ay iska
maamushaan reer Jowhar.
Arintaan ayaa waxa ay noqotey in si toos ah odayaasha dhaqanka gobolka
Hiiraan ay uga soo horjeestaan maamulka Yuusuf Dabageed oo ay ku eedeeyeen
in uu ku lug leeyahay amuurahaasi, iyadoo maanta hadal heynta ugu badan ee
magaalada B/weyne ay aheyd ka hadalka arintaan
Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula
Jakuula@hotmail.com
|