Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Shil Baabuur dadna ay ku Geeriyoodeen qaarna ay ku dhaawacmeen Agagaarka Gaalkacyo ee G/mudug

ilaa iyo 5 ruux ayaa ku geeriyootay tiro ku dhow 10 ruux oo kalana waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii Shil baabuur uu ka dhacay duleedka magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Shilkani ayaa waxa uu ka dhacay duleedka degaanka Bacaad weyn oo dhinaca waqooyi kaga toosan magaalada Galkacyo Shilkan baabuur oo ahaa mid aad u xun ayaa waxa uu ahaa ka dib makii labo gaari uu mid ka mid ah siday shidaal ay isku dhaceen ka dibna dab uu qabsaday mid ka mid ah gawaaridaasi.

Qeybta gargaarka deg deg ah ee magaalada Galkacyo ayaa waxa ay sheegeen in labo ruux oo meyd ah iyo 4 kale oo dhaawacooda uu aad ayaa la gaarsiiyay dhismahaooda, iyadoo labo kalena meydkooda laga helay gaariga rogmaday.

Dadka dhaawaca ah oo xaaladooda ayaa ah mid liidata sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirka Caafimaadka gaalkacyo.

Muxyadiin Cali jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya