Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Sheekhii ugu caansanaa Rabiiciyadda Soomaaliya oo maanta geeriyooday

Sheekh Maxamad Rabiic Sheekh Yuusuf oo caan ahaa Dariiqada Suufiyadda ee loo yaqaano Rabiiciyadda ayaa wararka ka imaanaya gobolka Togdheer ee waqooyiga Soomaaliya xaqiijinayaan inuu geeriyooday kagadaal markii xanuun ku soo booday.

Sheekha oo sida wararku sheegayaan ku geeriyooday xarun uu ku lahaa gobolkaasi, gaara ahaan tuulo lagu magacaabo Wadaama gooye goob u dhow oo la yiraahdo Sheekh abuu Yoonis oo ah meel si weyn looga yaqaano Gobolkaasi, isla markaasina ay Qadariyaan dadka aaminsan dariiqadda Dabiiciyadda.

Sheekhan ayaa lagu aasayaa galabta goobtii uu ku geeriyooday, waxaana uu ifka kaga tegay caruur ka badan 160 ruux oo isugu jirta qaar uu dhalay iyo qaar ay sii dhaleen, waxaana uu ku dhintay da`da Sagaal iyo todobaatan sanadood, iyadoo dalka Soomaaliya ay xarumo badan ku kala lahaayeen, Si gaara Rabiiciyadda waxaa Astaan u ah oo lagu yaqaanaa Sheexeysiga timaha iyo iyadoon laba jarin innabba.

Geerida ku timid Sheekha ayaa ah hadal heynta ugu badan ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaar ka mida Dariiqada Suufiyadda ee ku nool magaalada muqdisho ay muujiyeen sida ay uga naxeen Dhimashada ku timid Sheekha Maxamad Rabiic oo ay ku sheegeen halyey u soo halgamay fidinta diinta islaamka ee dalka soomaaliya.

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya