Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Sheekh caan ah oo ku Geeriyooday dagaalkii ka dhacay Ex-wasaaradii Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho

Ganacsade Nuur Afey oo ahaa Shiikh ka tirsan Maxaakiimta islaamka ee magaalada Muqdisho ayaa ku Geeryooday dagaal kii dhacay maalintii shalay aga gaarka wasaradii gaashaan dhiga ee magaalada Muqdisho. Dagaalkan ayaa sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo ilaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho waxaa tirada guud ee ku dhimatay ay illaa hadda ay gaarayaan 11 ruux oo dhimasho ah iyo15 dhaawac ah. Dadkan ayaa ka soo jeeda Dadka deegaanka dhamaantood iyo qaar Xabado habow ah ay ugu tageen goob ka fog meelaha dagaalku ka soconayay.

Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in Maxakamadaha uu ka dhintay Hal ruux halka dableydana ay ka dhinteen 3 ruux,illo ku dhow dhow Maxaakiimta ayaa sheegaya in dagaalkani uusan dhamaanin hase ahaatee ayba doonayaan inay weeraraan goob isbaaro ah oo dableydu ay ka degen tahay meel aan ka fogeyn goobta uu qasaaruhu ka dhacay, inkastoo dagaalkan bilowgiisii uu yimid markii shalay ay labadan kooxood isku qabteen gaari la sheegay inuu ahaa mid la soo dhacay.

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

Muqdisho Somaliya

jakuula@hotmail.com