Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

Ibraahim Shaawey iyo Firimbi oo ku fashilay safaarada talyaaniga ee Nayroobi

Ibraahim Cumar Sabriye Shaawey iyo C/llaahi Xasan Ganey Firimbi oo ka wada tirsanaa Maamulkii hore ee Dowladdii C/qaasim Salaad Xasan ayaa ku hungoobay safar ay ku tageen magaalada Nayroobi ee dalka Kenya halkaasoo ay u tageen sidii ay ugu qaadan lahaayeen Safaaradda Talyaaniga fiisaha dal ku galka ah.

Labadan xubnood oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warhelay Wasiirka Arimaha Dibadda Danjire C/llaahi Sh. Ismaaciil qorshaha ay u tageen Kenya isla markaana Wasiirka wuxuu ku wargeliyay Safaaradda in Ibraahim Shaawey iyo Firimbi aysan ka mid aheyn dowladda isla markaanas wax mas'uuliyad ah ka heyn gobolka Banaadir taasoo hakad gelisay socdaalkii ay ku hanweynaayeen labadans xubnood oo wararka qaar sheegayaan in ay martiqaad ka heleen Ganacsade u dhashay dalka Talyaaniga.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay labadan mas'uul ee hore in kastoo ay sheegeen in ay u gudbin doonaan waxyaabihii safarkooda baajiyay xubnaha labada gole oo heshiis ka dhaxeeya.

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
Muqdisho Somaliya