Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

Colonel Sharguduud iyo Xaabsade oo saacadaha nagu soo aadan kumaya
Wasiirka Beeraha Col Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud) iyo Xildhibaan Maxamed IbraahimXaabsade ayaa lagu wadaa in mar kale wadahadalo toos ah ku yeeshaan tuulooyin ka tirsan Gobolka Baay,iyadoo haatan ay socdaan abaabulka kulankaas.

Sida ay noo sheegeen Saraakiisha Labada Dhinaca Wadahadalkan ayaa waxaa ka soo qeybgalaya xubno ka tirsan Dowladda Federaalka kuwaas oo ka kala imaan doono Muqdisho,Baydhabo iyo Xudur,laakiin lama sheegen magacyada raggaas kulanka ka qeybgalaya.

Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda ayaa dadaal weyn ugu jira in hor-joogayaasha Maleeshiyada Beesha Luway ka qeybgali dadaalka wadahadalka ee lala yeelanayo Xildhibaan Xaabsade,isagoo kulan uu la yeeshay hor-joogayaasha Beesha Luway kaga codsaday inay ogolaadan wadahadalka.

Dhinaca kale Aadan Saransoor oo ka tirsan Garabka Xaabsade ayaa cabsi weyn laga qabaa inuu dhaawaco dadaalka nabadda ee ka dhex socda Garabyada RRA-da, sababtana waxaa lagu sheegay Aadan Saransoor waxaa uu diidan yahay inuu dhiibo Baabuurta dagaalka ee laga qabsaday Col Shaatigaduud.

 

muxyadiin Cali Jimcaallejakuula

Muqdisho Somaliya