| Gudoomiyaha
Baarlamka oo maanta ka warbixiyey safarkiisii Gudoomiyaha Baarlamanka
FS Shariif xasan sheekh Aadan ayaa maanta uga war bixisayay xubnaha labada
gole ee Muqdisho waxa yaabihii uga soo qabsoomay safaradii uu dhowaan ku soo
maray dalal badan oo ka tirsan caalamka ka dib kulan ay maanta ku yeesheen
Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.
Kulankaan uu shir Gudooominayay GudooFmiyaha Baarlamanka FS isla markaana
ay sooi xaadireen tiro xildhibaano ah oo gaaraya inka badan 100 Mudane ayaa
waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Baarlamanka FS oo ka wara bixiyay Safarkii uu ku
soo maray dalalka Mareylkanka, Engriiska, Sweden, Finland iyo kuwo kale, oo
uu sheegay in madaxdii dalalkaasi ee uu la kulmay ay soo dhaweeyeen holwaha
Nabadeynta ee dowladda FS ay ka wadaan gudaha Somaliya gaar ahaan magaalada
Muqdisho, isla markaana ay u balan qaadeen in Seminaaro la siinayo xubnaha
Baarlamanka iyo deeqo kale.
Afhayeenka Xubnaha labada gole ee Muqdisho Col.Cumar Xaashi Aadan ayaa
sheegay in xubnahooda Muqdisho ay gudoomiyaha Baarlamanka ay isna faahfaahin
ka siiyeen waxyaabihii u qabsoomay intii uu ka maqnaa dalka, oo ay ka mid
tahay arinta maamul u sameynta gobolka Banadir, oo uu sheegay in ay mareyso
heer gabogabo ah, iyagoo diyaariyay xeerkii lagu dhisi lahaa maamulka
gobolka Banadir.
Waxa uu intaasi Raaciyay in maalinimada Berri ah kulan gaar ah oo looga
hadlayo arimaha maamul u sameynta gobolka Ay Hotel Amiira ku yeelan doonaan
Gudigii 57 da xubnood ka koobnaa ee uu hogaaminayay Muuse Suudi Wasiirka
Ganacsiga ee loio xilsaaray holwaha la xiriira maamulka gobolka Banadir.
Waxa uu sheegay in ujeedada ay maanta kulankaasi uga soo qeybgaleen
tiradii ugu badaneyd ee kulan ay yeeshaan xubnaha labada gole tan iyo intii
uu Muqdisho ka maqnaa Gudoomiyaha Baarlamanka aan macnaheedu aheyn in ay
doonayaan in uu u buuxsamo Kooram.
Cumar Xaashi waxa uu sheegay in dhowaan Muqdisho ay ku soo fool leeyihiin
Xildhibaano uu hogaaminayo wasiiru dowlaha Xafiiska Ra'isulwasaaraha C/qaadir
Dhaqane oo haatan ku sugan wadanka Kenya.
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.co
Muqdsho Somaliya
|