Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
Shariif Xasan oo ku baaqay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan dhamaan mudanayaasha barlamaanka 17-ka bishan.
 
xubnaha labada gole ee kuy sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan ay albaabadu u xiranyihiin ku yeeshay xaruntii hore ee xisbiga ee magaalada Muqdisho .
 
kulan ayaa waxaa kasoo qeyb galay 50 xubnood oo ka tirsan barlamaanka wadanka Soomaaliya ,waxaana looga hadlayay qoraal uusoo bandhigay gudoomiyaha barlamaanka dawlada ku meel gaarkla ah ee Soomaaliya shariif xasan sheekh aadan kaasoo ku baaqayay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan dhamaan mudanayaasha barlamaanka meel kasto oo ay joogaanba.
 
xubnihii ka qeyb galay kulankii maanta ayaa soo dhaweeyey qoraalkii uu soo gudbiyay gudoomiyaha barlamaanka shariif xasan sheekh aadan.
 
gabagabadii kulankii maanta ka dhacay xaruntii hore ee xisbiga ayaa waxaa saxaafada hadal siiyey xildhibaan Salayman Colaad Rooble oo sheegay in kulankii maanta diirada lagu saaray oo kaliya qorshaha gudoomiyaha uu soo bandhigay oo ah in 17-ka bishan ay xildhibaanada isugu yimaadaan kulan degdeg ah oo looga hadlayo xaalada wadanka haatan  ka taagan.
 
xildhibaan salayman ayaa waxaa kaloo uu sheegay in isbuucan gudihiisa la filayo in magaalada Muqdisho uu soo gaaro ra'isulwasaare ku xigeenka dawlada ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ahna wasiirka arimaha gudaha Xuseen Caydiid.
 
xildhibaanka ayaa sheegay in Mr.Caydiid uu kusoo biiri dooono xubnaha muqdisho ku sugan ayna wadahadal yeelan doonaan .
 
si kastaba ha ahaatee waxaa laga dhur sugayaa  kulan uu ku baaqay gudoomiyaha hadiii uu noqdo mid suuro gala iyo inkale ayadoo la ogsoonyahay in labada gole ee dawlada uu u dhexeeyo khilaaf ku salaysan kala mabda' duwanaasho.
 
Maxamed Cumar Sheeq.
Rochester Somali Tv ,Muqdisho.