Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Gudoomiyha Baarlamaanka Somaliya oo maanta soogaray magaaladda Muqdisho

Gudoomiyaha baarlamanka FS Shariif Xasan Sheekh Aadn oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uu ka xun yahay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo afduubka maraakiibta loogu heysto xeebaha Somaliya

Gudoomiyaha Baarlamanka FS Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu nusaac ka hor soo dagay garoonka Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu saxaafadda kula hadlay hoygiisa ku yaala magaalada Muqdisho.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu ugu horeyn ugu mahad celiyay dadweynihii iyo waliba xubnaha labada gole ee ku soo dhaweeyay garoonka Deyniile.

Gudoomiyaha Baarlamanka FS ayaa waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho ee lala beegsaday Ra'isulwasaare Geedi iyo wafdigiisa ka yimid dhinaca magaalada Jowhar, isagoo tac si u direy dadkii qaraxyadaasi ku dhintey, sidoo kale waxa uu sheegay in uu si aad ah uga xun yahay afduubyada maraakiibta loogu geysanayo xeebaha Somaliya

Gudoomiyaha baarlamanka FS waxa uu sheegay in uu soomaray caasimado badan oo ku yaala caalamka, isagoo tilmaamay in caasimadda Muqdisho looga baahan yahay in ay ku dayato caasimadihii uu horey u soo arkay.

Gudoomiyaha Baarlamanka FS waxa uu intaasi ku daray in war bixinada iyo socdaalkiisa iyo waxyaabaha ku saabsna uu goordhow kala hadli doono saxaafadda islamarkaana uu war bixin siin doono xubnaha labada gole ee magaalada Muqdisho.

Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdigiisa oo ay ka mid ahaayeen wasiirka howlaha guud iyo Guryenta dowlada FS Xildhibaan Cismaan Xasan Cali Caato iyo Mudanayaal ay ka mid yihiin Caasho Axmed Cadalle, XIldh. Daryeel iyo kuwo kale, waxaana garoonka diyaaradaha Deyniile ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho oo ay horkacayeen wasiirka amniga qaranka Max'ed Qanyare iyo wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Mudisho Somaliya