Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

                    Gudoomiyaha baarlamanka oo u ambabaxay Libya

Gudoomiyaha Baarkanka FS Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Libya, oo ay kaga qeybgalayaasha shirka baaralamaanada Afrika.

Gudoomiyaha Baarlamanka FS Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi Balaaran oo ka tirsan labada gole ee Muqdisho ayaa maanata ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Balidoogle, iyagoo ku sii jeeda caasimadda dalka Libya ee Triboli oo ka dhici doona kulanka madaxda Baarlamaanada wadamada Afrika, shirkaasi oo looga hadli doono sidii loo dabargoyn lahaa midab takoorka qaarada Afrika.

Gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdigiisa ayaa ku hakan doona magaalada Dubai, iyadoo maanta galinka dambe u baqooli doona dhinaca dalka Libya sida uu saxaafadda u sheegay Gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan intii uusan saakay ka ambabixin Muqdisho.

Safarka Gudoomiye Shariif Xasan ee dalka Libya oo qadan doona mudo 5 cesho ah ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Libya waxa uu wadahadalo iyo kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaa Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika iyo qaar ka tirsan madaxda wadanka Libya.

Safarka Gudoomiyaha Baarlamanka iyo wafdigiisa ayaa ku soo beegmay xilli qaban qaabadiisa ay socoto kulan lagu dhex dhexaadinayo xubnaha dowladda FS ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar.

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya