Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Gudoomiyha baarlamka oo ku sii jeeda wadanka Sweden isgoo maanatana kasoo qaatay Viisaha dal kugalka safaarada ay ku leedahay magalada Nai8robi-Kenya

Gudomiyaha Baarlamanka FS, Shariif Xasan Sheekh Aadan

Iyadoo labadii maalmood ee uigu dambeysay Gudoomiyaha Baarlamanka iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku sugnaayeen magaalada Nairobi ayaa maanta waxa ay ka soo qaateen safaaradda dalka Sweden ay ku leedahay Kenya fiisaha lagu galo dalkaasi sida uu RSTV u xaqiijiyey Xildhibaan C/casiis oo ka mid ah mudanayaasha ku dhow dhow Gudoomiyaha Baarlamanka.

Xildhibaan C/casiis ayaa waxa uu sheegay in maalinta berri ah ay u baqooli doonaan dalka Sweden, halka Gudoomiyaha baarlamanka u sheegay in uu baxayo maalinta khamiista ah ee soo socota.

Ujeedada Socdaalka wafdigaan uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamanka FS Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa la sheegay in ay ka qeybgali doonaan shir ay ku leeyihiin baarlamaanada Africa wadanka Seweden, kaasoo furmi doono 14-15 ka bishaan, iyadoo lagu qaadan doono shirkaasi habka Dowlad wanaaga.

Gudoomiyaha Baarlamanka FS Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in ay kulamo la qaayaan madaxda dowladda Sweden, waxaana la sheegay in caasuumaad rasmi ah ay ka heleen Baarlamanka wadanka Sweden.

Xildhibaan C/casiis ayaa waxa uu Rochester u sheegay inmarka ay dhameystaan booqashadooda Sweden ay u sii gudbi doonaan dalka Engriiska oo kal hore Horey Gudoomiyaha Baarlamanka uu tagay, isagoo sheegay in ay kaga qeybgali doonaan shir kale oo halkaasi ay ku yeelan doonaan Gudoomiyeyaasha Baarlamanka Africa.

Gudoomiyaha Baarlamanka oo socdaalo ku soo kala bixiyay dalal badan oo ka mid ah caalamka ayaa magaalada Nairovbi ku yimid casuumaad uu ka helay Ergayga Q.M u qaabilsan arimaha Somaliya Francois Fall oo la sheegay in uu qaban qaabinayay kulan uu isugu Keeni Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Ra'isulwasaare Geedi, mana jiraan wax kulan ah oo dhex maray labada mas'uul.

Kulamo badan oo la doonayay in la isugu keeno Gudoomiyaha Baarlamanka FS iyo Ra'isulwasaare Geedi ayaa suurtogal noqon waayay qabsoomidiisa ka dib markii ay labada dhinaca ka tanasuliwaayeen qodobada ay isku hayaan

muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya