Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Shariifka iyo Geeddi oo lagu wado inay ku kulmaan Nairobi

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan dadaalo markale lagu doonayo in lagu kulansiiyo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra`iisal wasaare Geedi oo labaduba haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Hase ahaatee waxaa jira xubno ku sugan magaalada Muqdisho oo ka biyo diidsan kulanka la doonayo inuu dhexmaro labadan mas`uul ee dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo ay tilmaamayaan in wadahadalka dhexmara labadan uusan xilligan waxba soo kordhineyn.

Horay ayaa waxaa u fashilmay kulan ay Q/Midoobay ku dooneysay inay ku dhexdhexaadiso mas`uuliyadda dowladda federaalka oo ka dhici lahaa magaalada Nairobi hase ahaatee u baaqday maqnaansho dhinaca mas`uuliyiinta dowladda ah iyo shuruudo ay mas`uuliyiintu isku xireen.

Inkastoo warar ku dhow dhow Wasiirka howlaha guud iyo guriyanta Cismaan Xasan Cali Caato uu sheegayo inaanay kulmaynin gudoomiyha baarlamka iyo r/wasaaraha DFS balse ay dhici karto inay kulamo kala gooni ah ay la yeeshaan wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Somaliya Francios fall

Muxyadiin Cali Jimcaale jakuula

jakuula@hotmail/com

Muqdisho Somaliya