Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku sii jeeda Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar , halkaasoo dhowaan uu ka furmayo shirka Baarlamaanada carbeed ay leeyihiin .

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh oo maalmo uun ay ka dhiman tahay booqashadii uu ku joogay dalka Liibiya ayaa isu diyaarinaya ka qeybgalka kulanka baarlamaanada carabta oo sanad kasta la qabto , iyadoo sanadkanna ay marti gelineyso dowladda Masar .

Shariif Xasan iyo Wafdigiisa ayaa magaca Soomaaliya ugu matali doona Kulanka Baarlamaanada Carabta oo furmaya 27-ka bishan aynu ku jirno ee December sida uu qoray Wargeyska Al-akhbaar ee ka soo baxa dalka Masar .

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa halkaasi la tagi doona qorshayaal ku aadan sidii wax looga qaban lahaa kala qeybsanaanta baarlamaanka Soomaaliya , tababaro iyo taageero ay helaan , iyadoo ay tahay markii ugu horeysay kulankan uu Shariif Xasan ka qeybgalo .

Waxaa la filayaa in inta uu joogo Qaahira inay wada kulmaan isaga iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Caamar Muusaa oo dhowaan isna Casuumaad u fidiyay Shariif Xasan inuu soo booqdo Xarunta Jaamacadda Carabta , hase yeeshee Gudoomiyaha Baarlamaanka oo weli ku sugan haatan dalka Liibiya ayaa waxa uu shalay wadahadlo qaateen Xoghayaha arimaha dibadda Golaha shacabka Liibiya oo ay isla eegeen dimoqraadiyadda Iyo Nidaamka Baarlamaanka Afrika ee dhismihiisu socdo uu yeelanayo .



Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya