|
Shaqaale ka tirsan shirkada xawaalada Dalsan oo maanta laga sii daayay
xabisga Kismayo.
Labo shaqaale ah oo ka tirsan shaaqalaha shirkada xawaalada Dalsan ee
magaalada Kismayo oo todobaadkan lagu xiray xabsiga magaalada Kismayo ayaa
maanta laga sii daayay xabsiga magaaladaasi ka dib markii ay ay sidaasi
kasoo shaqeeyen mas'iiliyiinta shirkda.
labadan shaqaale oo la xiray ka dib markii dib markii ay iska hor imaad
la galeen ciidamada amaanka magaalada Kismayo ayna dhaawaceen afar ka tirsan
ciidmada amaanka isbahaysiga dooxada Jubba ayaa la sheegayaa in lasii daayay
ka dib wadahadalo dheer oo dhex maray gudoonka isbahaysiga dooxada Juba iyo
mas'uliyinta sar sare ee shirkada Dalsan.
Labada qof ee maanta lasi daayay ayaa midkood ahaa ilaalo ka tirsan
shirkada oo dhaawac u gaystay afar ka mid ah ciidanka amaanka isbahaysiga
dooxada Juba waxaana axrigooda lagu saleeyey ka dib markii ay ay diideen in
hubki ay ku wareejiyaan cidmada amaanka rasaasna ay ku furaan.
Maxamed Cumar Shiikh.
Rochester Somali Tv,Muqdisho.
Mcadde@rstvonline.com.
|