Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Shaqaalahii Hay'ada Care oo lagu Weeraray demada Ceelwaaq Kiiniya

Sideed ruux ayaa ku dhaawacantay sadex ka mida ay tahay shaqaalahii hayada Care hay'adda Care ka dib markii xalay kooxo dabley ah ay ku soo weerareen hubka gacanta laga tuuro Hotel ay degnaayeen oo ku yaal degmada Ceelwaaq Kenya.

sadaxda Shaqaalaha hay'adda Care oo ka mid ah sideeda da ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa la sheegay in xiligaasi ay qorsheynayeen qaabkii loogu qeybin lahaa raashin gargaar ah oo hay'adu dhowaan ay soo gaarsiisay degaankaasi dadkii ka barakacay dagaaladii ka dhacay Ceelwaaq halka 5 kale ay ahaayeen dad shacab ah oo Hotelka dhinac k daganaa.

Sababta ka dambeysa weerarkaan habeenimadii xalay lagu qaaday qaar ka mid ah shaqaalaha Hay'adda Care balse wararka qaar ayaa sheegaya in weerarkaan ay ka dambeeyeen koox diidan in raashinka gargaarka lagu qeybiyo gudaha degmada Ceelwaaq, kuwaasi oo la sheegay in ay ka soo horjeedaan heshiiskii nabadeynta ee dhowaan ay gaareen beelihii ku dagaalamay degmada Ceelwaaq.

Weerarkaan ayaa hakad galiyay raashinkii gargaarka ahaa oo maanta la filayay in uu u soo gudbo dhinaca degmada Ceelwaaq Somaliya laguna waday maalinta berri ah in loo qeybiyo qoysaskii ku barakacay dagaaladii ka dhacay degaankaasi, iyadoo wali gaadiidkii siday gargaarkaasi oo markii hore ka tagay Ceelwaaq Somaliya ay ku xayiran yihiin Saldhigga booliska magaalada Ceelwaaq Kenya.

Arinti si kastaba ha ahaatee waxaa weerarkaan ka horeeyay mid kale oo horaantii isbuucii la soo dhaafay koox maleeshiyo ah oo la tuhun san yahay in kuwii xalay weerarka geeystay ay ku heybyihiin ay rabshado ka dhigeen degmada Ceelwaaq Somaliya ka dib markii goor saqdhexe ah ay rasaas ooda kaga qaadeen guryo ay dagnaayeen qaar ka mid ah dadki ku soo laabtay magaalada, inkastoo maalin ka dib booliska Kenya ay u suurogashay in ay soo qabtaan kuwii ka dambeeyay falkaasi iyo hubkoodiiba.

Odayaasha labada beelood ee ku sugan magaalada Ceelwaaq ayaa falkani ku tilmaamay mid aan marnaba wiiqikarin howlaha nabadda ee socda, iyagoo sheegay kuwa had iyo jeer geysta xasilooni darada in la horkeeni doono cadaaladda

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya