| |
Shaqaalaha hay'adaha Unicef qaar ka mid ah ayaa
maamulka degmada Jowhar ay ku amreen iney isaga baxaan degmadaasi, qaarna
wey ka soo masaafuriyeen halkaas.........
Shaqaalahaan hey'adaha Unicef kuna sugnaa degmada Jowhar ee gobalka Sh/Dhexe,
kana shaqeynayeen gobolada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, ayaa maamulka
degmada Jowhar waxa ay ku amreen sida ugu dhaqsiyaha badan in ay isaga
baxaan halkaasi.
Cabdirisaaq Cismaan Maxamed oo isaguna katirsan waaxda maaliyadda ee
hey'addaasi iyo waliba Cabdixamiid Cismaan Saalax oo madax ka ah qeybta
kahor tagga cudurk AIDSka ee hey'adda Unicef ayaa shalay laga masaafuriyay
degmada Jowhar.
Waxaana lagu sheegay masaafurinta xubnahaan sar sare ee hey'ada Unicef, in
ay magaalada Jowhar ku qabteen siminaar lagu baranaayo ka hortaga Cudurka
dilaaga ah ee HIV Adis-ka, ka dibna maamulka degmada uu soo jeediyeen in
laga jaro lacagaha ku baxaya siminaarkaan Canshuur 15% ah, ka dibna lagu
shubo qasnada dhexe ee maamulka degmada, laakin maamulka Unicef ayaa
sheegeen in aysan qorshahooda ku jirin in ay ka bixiyaan siminaarkaan lacago
canshuur ah, balse ay go'aankeeda lee yihiin ka qeyb galayaasha siminaarkaan,
waloow ay arintaasi markii dambena ka liftay falkaan masaafuriska ah.
Mana ahan markii ugu horeysey ay arinmahaaan oo kale kala qabsadaan Maamulka
Degmada Jowhar iyo waliba Xafiiska Hay'ada Unicef ee Jowhar, iyadoo qifaaf u
dhaxeeya labada dhican dhawaan la xaliyay, waxaana xalintaan ugu dambeysay
ka fadhiistay maamulka degmada Jowhar iyo waliba ninka wakiilka ugu ahaa
markaas Hay'adda Unicef Soomaaliya Jesper Morch, oo xafladii isaga lagu
sagootinayay oo uu xilka ku wareejinayay wakiilka cusub, ayaa waxa ay ka
dhacday degmada Jowhar ee gobalka Sh/Dhexe.
Haddaba arimahaan is qabqabsiga maamulka degmada Jowhar iyo Hay'adaha
caawinaya dadka tabaaleysan ee soomaaliyeed ayaa waayahaan dambe si sare u
soo kaceyse.
Wariye
Abdifitahaam Ahmed
Rochester Somali TV
Mogadishu
Email:
abdifitahaam@hotmail.com |
|