|
Dagaalo Ay dad ku dhinteen kuna dhaawacmeen oo maanta ka dhacay baraawe ee
gobolka sh/ hoose
Wararka ka imaanaya magaalada baraawe ee gobolka sh/hoose ayaa sheegaya
in ugu yaraan 6 ruux ay ku geeriyootay halka qaar kale oo intaa ka badanna
ay ku dhaawacmeen iska hor imaad maanta ka dhacay degaanka Heejow Maxaad oo
hoos yimaada degmada Baraawe.
Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadyadani ay u dhaxeeyaan labo
maleeshiyo beeleed oo wada dega degaankaasi, waxaana lagu soo waramayaa inuu
ku sii fidayo deegaano kale oo ka mid ah gobolkaasi.
Illaa hadda ma jiraan dadaalo ay wadaan maamulka iyo waxgaradka
deegaankaasi oo la sheegay inaysan xil iska saarin qaboojinta
xiisaddan,inkastoo uu jiro baaqyo nabadeed oo ka imaanaya bulshada rayidka
ah ee ku dhaqan halkaasi.
Ma ahan markii ugu horeysay ee dagaal dad ku dhintaan uu ka dhaco
degaankaasi, iyadoo bilihii la soo dhaafay ay halkaasi ka dhaceen dagaalo
lagu hoobtay oo la xiriiray lahaanshaha iyo milkiyadda dhul ay isku qabteen
labadan maliishiyo hase ahaatee dagaalkan ayaa warar soo baxaya waxaa ay
sheegayaan inuu la xiriiro Aar dhinaca qabiilka ah
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|