Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   
Maamulka Gobalka Sh/Dhexe ayaa sheegay in dhawaan Maxkamad soo saari doonaan Siyaasiga Jaamac Aadan Dheere..

Maamulka ka arimiya gobalka Sh/Dhexe uuna gudoomiyaha ka yahay Max'ed Cumar Xabeeb "Max'ed Dheere" ayaa sheegay in ay dhawan maxkamad soo saari doonaan siyaasiga lagu magacaabo Jaamac Aadan Dheere oo mudooyinkaan ku jiray xabsiga maamulkaas.

Jaamac Aadan Dheere ayaa la xiray kaddib markii magaalada Jowhar uu shir Jaraa’id ku qabtay isagoo ka codsaday in dowladda fedraaliga Soomaaliya is casisho maadaama aaney wax ka qaban waxyaabihii loo soo doortay, taasina ayaa keentay in xabsiga loo taxaabo siyaasigaan.

Xaalada caafimaad ee Jaamac Aadan Dheere ayaa laga deyrinayaa, iyadoo wararkana ayna ka helnay halka uu ku xirayn yahay ay sheegayaan in hal waqti la siiyo cuno uu cuno, lagana xiiray timaha.

Jaamac Aadan Dheere ayaa shalay waxaa loo gudbiyay Xabsiga weyn ee degmada Jowhar isagoo horay ugu xirnaa xabsi yar ee ku yaala Jowhar.


Mana ahan markii ugu horay ee maamulka gobalka Sh/Dhexe xabsiga u taxaabaan dad aan waxba galabsan, waxaa la xasuustaa wariyaal fara badan oo ka soo waramay xaqiiqda Jowhar ka jirta in ay xabsiga dhigeen, taasina waxay cadeyneysaa in dhamaan xubnaha halkaasi ku sugan iyo saxaafadaba aysan sheegi karin xaalada dowlada ay mareyso iyo waliba xaqiiqda dhabta ah ee iminka soomaaliya ka jirta.

Cusmaan Caato oo sheegay in Soomaaliya ay iminka gali doonto Foodo iyo Dagaal Sokeeye..

Cismaan Xasan Cali "Caato" Wasiirka howlaha guud iyo guryeenta dowlada FS ayaa sheegay in soomaaliya haatan gali doonto dagaal sokeeyo oo dhiig fara badan ku daato hadii C/laahi Yuusuf uu la shaqeynin hogaamiyaasha Muqdisho ku sugan.

Wasiirka howla guud iyo guryeenta Cismaan Caato waxa uu sheegay inuu jiro hal qof oo kaliya kaasoo dagaal diyaarinaya, kaasina uu yahay madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo uu sheegay inuu hub ka heley wadamada Yemen, Itoobiya iyo dalka Talyaani.

Caato waxa kaloo uu sheegay in Madaxweyne C/lahi Yuusuf uu haatan wado qorshe uu dagaal ugu soo qaadayo gobalka Banaadir gaar ahaana magaalada Muqdisho waa sida uu hadalka Caato u dhigay, ayna iyaga hadii ay yihiin wasiirada Muqdisho ku sugan ka go'antahay in ay is difaacaan hadii weerar lagu soo qaado.

Waxaa kaloo wa leydiiyay in Soomaaliya fowdo iyo dagaal hor leh ay galeyso ayaa Cismaan Caato uu sheegay in taasi uu aaminsan yahay, haddii Cabdulaahi Yuusuf iyo qolyaha ku sugan magaalada Jowhar ayan la shaqeyn kuwa ciyaaryahanada ah ee ku sugan ayuu yiri magaalada Muqdisho ama hoggaamiyayaasha magaalada Muqdisho ee gobalka Banaadir.

Mana ahan markii ugu horay oo ay qaarkood wasiirada Muqdisho ku sugan sheegaan in C/laahi Yuusuf Madaxweynaha dowlada FS uu waddo qorshe uu ku weerarayo Muqdisho ayna ka go'antahay in ay isdifaacaan.

 

Wariye
Abdifitahaam Ahmed
Mogadishu - Somalia


E-mail:
abdifitahaam@hotmail.com