|
Qaybo ka tirsan Gobolka Sh/hoose ayey maanta ka dhaceen Banaanbaxyo looga
soo horjeedo dowladda Talyaaniga.
Dibadbaxayaashani maanta ay isku soo baxeen Qaybo kaida deeganaa hoos
taga Gobolka Sh/hoose ayaa waxaa looga soo horjeeday laguna cambaareynayay
dowladda Talyaaniga oo lagu sheegay inay kaliya taageerto garabka Dowladda
FS ee fadhiga ka dhigtay degmada Jowhar , waxaana goobaha maanta ay ka
dhaceen ka mid ah degmooyinka Awdheegle , Kuntuwaarey , Sablaale iyo Baraawe
, waxaana dadka goobahaasi isku soo baxay hadalo u jeediyay gudoomiyaasha
degmooyinkaasi oo cambaareyn dusha kala dhacay dowladda talyaaniga iyo
garabka Dowladda ee Jowhar .
Dadka Banaanbaxa sameynayay ayaa waxa ay wateen boorar ay ku qornaayeen
halkudhigyo ay ku cambaareynayeen dowladda Talyaaniga oo ay ku sheegeen mid
kala qeybineysa Ummadda , si gaar ahna u taageereysa garab ka mid ah
dowladda inta ay dhexdhexaad ka noqon laheyd .
Banaanbaxayaasha ayaa waxa ay ka codsadeen dowladda Talyaaniga inay
dhexdhexaad ka noqoto howlaha siyaasadda kala geysay Golayaasha dowladda
Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho .
Banaanbaxa ayaa lagu sheegay inuu yahay kii ugu horeeyay shacabka Gobolka
Sh/hoose ay dhigaan noociisa oo ay ku diidan yihiin Siyaasadda talyaaniga ee
ku wajahan Soomaaliya , inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn dibaxyadan cidda
soo qaban qaabisay
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|