|
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo beeniyay hadal uu faafiyay Tvga Channell4
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah culuma udiinka waaweyn ee wadanka
Somaliya ayaa been aan sal iyo raad laheyn ku tilmaamay hadal dhowaan uu
faafiyay Chanal4 oo saldhigiisu yahay dalka Britan oo sheegayay iyadoo uu
soo xiganayay Sheekha Xasan Daahir in uu heysto 3 kun oo ciidan ah.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah wadaada Soomaalida ee warbaahinta
reer Galbeedka ay u arkaan in uu ka soo horjeedo danaha dalalkooda oo
wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Saxaafadda Muqdisho ayaa waxa uu
kaga hadlay arimo dhinacyo badan taabtay oo ay ku jirto ololaha sheekha iyo
wadaado kale ay ku doonayaan in Somaliya laga hirgaliyo ku dhaqanka
Shareecad islaamka.
Sheekha oo soo qaatay ka hadalka arintaasi ayaa waxa uu tilmaamay in ay
aad u soo kordheyo dhibsashadal agu hayo isaga iyo dadka ku fikirka ah oo
lagu ceebeynayo in ay yihiin kuwo islaanimadooda dhagan, waxa uuna sheekhu
sheegay in aysan jirin habayaraatee ciidamo howlahaasi qaabilsan sida uu
shaaciyay wariye ka tirsan Tvga Chanel 4 ee dalka Engriiska oo sheekh Xasan
Daahir Aweys uu ku tilmaamay in uu ka sameeyay xigasho mala awaal ah oo
isagu aanu ka imaan.
Sheekh Xasan Waxaa kale oo ka cowday in loo nuglaaday cabsida waxa uu
sheegay in ay yihiin awoodo si qaldan loo adeegsado oo ra’yulcaamka lagu
jahawareeriyo, taasoo uu sheegay in inta badan ay fursad u noqotey kooxo uu
sheegay in Soomaalidu ay ka qanacday oo 15 sano hortaagnaa, kuwaasi oo uu
sheegay in mintid, asalraac iyo ereyo kale ay u isticmaalaan in ay ku kala
fogeeyaan wadaada Soomaaliyeed ee islaamka ah ee wadanka uu kala dhaxeeyo
sida uu yiri sheekha.
Sheekh Xasan Daahir waxa uu soo dhaweeyay rajada laga qabi karo in
heshiis ay gaaraan dhinacyada dowladda FS ee Jowhar iyo Muqdisho ayaa
siyaasad xumo iyo mas’uuliyad darro ku tilmaamay sida ay xubno sar sare oo
dowladda ka tirsan Soomaaliya u wajahaan arimaha la xiriira qadiyadaha
Soomaaliya ee dhinaca midnimada iyo dhulalka maqan.
Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula
Muqdisho
|