Sheekh Aadan Modoobe kuwa diidan ciidamada buntuld waa kuwodiidan
Qaraka Somaliyeed
Wasiirka garsoorka dowlada federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed
Nuur “Sheekh Aadan Madoobe” ayaa sheegay in mas’uuliyiinta kasoo horjeeda
ciidamada Puntland iyo kuwa kale ee la keenayo magaalada Jowhar, iney
yihiin kuwa kasoo horjeeda dib u helidda qaran Soomaaliyeed, wuxuuna
sheegay dhankooda ciidamada Puntland iyo kuwo kale oo Soomaaliyeedba iney
kusoo dhoweynayaan gobolada Baay iyo Bakool.
Wasiirka garsoorka ee dowlada federaalka Sheekh Maxamed Nuur “Sheekh Aadan
Madoobe” oo kusugan magaalada Xudur ee gobolka Bakool, ayaa ka hadley
mowqifkiisa siyaasadeed ee ku aadan ciidamada kasocda Puntland ee dhowaan
la keenay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe
.Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Sheekh Aadan Madoobe” ayaa ku doodey in
ciidamada Puntland ee yimid magaalada Jowhar iyo ciidamada kalaba iney
yihiin ciidamada qaranka oo aysan aheyn ciidamo ajnabi ah, wuxuuna “Sheekh
Aadan Madoobe” ka hadley sida uu u arko xiisadaha ka dhashey ciidamada
dhowaan Jowhar soo gaarey.
Wasiirka garsoorka ee dowlada federaalka “Sheekh Aadan Madoobe” waxaa
kaloo uu sheegay in degmada Waajid ee gobolka Bakool uu tababar ciidan uga
furmey maleeshiyooyin kayimid deegaano kala duwan, kuwaasoo uu sheegay
iney noqonayaan ciidamadii qaranka.
Mar wax laga weeydiiyey dhaqaalaha ciidan kaasi halka uu ka imaanayo
ayuu sheegay iney gacan ka helayaan ganacsatada gobolka, isla markaana
ganacsatadu ay horeyba u bixiyeen lacago isugu jira deyn iyo deeqba.
Muxyadiin Cali Jimcaale Jakuula
Muqdisho Somaliya