Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

 

Saxafiyiin ka howl gala idaacada STN oo maanta loo taxaabay xabsiga Boosaaso

 Ciidanka amaanka magaalada Boosaaso ayaa maanta xabsiga u taxaabay agaasimihii idaacada STN ee ka howlgeli jirtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari ee maamul goboleedka Puntland.

Agaasimahii idaacadaasi Cabdirisaaq Sheekh Aadduun  iyo tifa tirihii idaacaddaasi Cawaale Jaamac Salaad ayaa la xiray ka dib markii la sheegay in ay baahiyeen bayaan khalad ah .Ciidanka boolisku ma aanay faahfaahin bayaan la sheegay in baahiyeen suxufiyiintan.Toddobaad ka hor ayay ahayd markii la xiray wariye u shaqeynayey  wargayska Shacab ee ka soo baxa maagalada Boosaaso inkastoo markii dambe la sii daayay,waxaana horey xarig kan la mid ah loo geystay laba saxafi oo ka howl geli jiray idaacada SBC.

 

Maalintii shaley aheyd ayaa magaalada Kismaayo waxaa lagu xirey wariye ka howl geli jirey idaacada Banadir ee magaalada Muqdisho.Saxafiyiinta soomaaliyeed  ayaa mar walba la iska xiraa ,iyadoo aanay jirin cid isku howleysa difaacida suxufiyiinta Soomaliyeed oo ayagu ku shaqeeyey duruuf aad u adag.

Kuma koobna tacadiyada loo geysto saxafiyiinta xirid oo kaliya balse waxaa qaarkood lagula falal dil oo uu ugu danbeeyey falkii lagu dilay wariyad ka howl gali jirtay idaacada iyo Tvga Horn Afrik .

Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv   Muqdsho
Cadde_8@hotmail.com