Sarkaal
CID-da ka tirsan oo Muqdisho lagu dilay.
agagaarka dhismihii Taree Biyaano ee wadada Maka Al-Mukarama waxaa maanta
lagu dilay allaaha u naxariistee sarkaaal ka tirsan ciidanka danbi
baarista Soomaaliyeed ee CID-da laguna magacaabay Maxamed Ciman Coon .
kooxo ku hubeysan qoryaha fudud ayaa rasaas oodda kaga qaaday mas'uulkan
xilli uu kasoo degenayay gaarigiisa oo ku baakin garaysnaa agagaarka
dhismaha Taree Biyaano.
masuulkan ayaan la ogeyn waxa ay maleeshiyadan hubeysan ku dishay laakiin
waxaa loo malaynayaa in ay xiriir la leedahay falal lagu beegsanayo
saraakiisha ciidanka Soomaaliyeed oo bilooyinkii lasoo dhaafayba ay ka
socotay magaalada Muqdisho.
dilka sarkaalkam allaha u naxariistee ayaa waxa uu kusoo beegmay maalin
ka dib dil asna loogu geystay xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Wardhiiglay
Shieekh Caalim ahaa oo ka tirsanaa culumada sida weyn looga yaqaan
magaalada Muqdosho.
Maxamed Cumar Sheekh.
Rochester Somali Tv Muqdisho.
|