Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Kongo Kutaba Barayay Oo Maanta Moqdisho lagu Dilay

Gaashaanla Sare Raage Coon Ayaa Koox Dableeya ay ku toogteen agagaarka Saldhiga Yaaqshiid ee Magaalada Moqdisho, Maleeshiyada Toogatay Sarkaal kaasi Ayaa Wadata Gaari Noociisa Yahay Mark II

Sarkaal kaan Lagu magacaabo Raage Coon Ayaa Muqdisho Soo Gaaray habeenkii Xalay Sida Ay RSTV u xaqiijiyeen Eheladiisa Oo ay Laxiriirtay Waxaana Ay Sheegeen Eheladiisa In Uu Xiligaas Kayimid Xerada Kongo Oo Ay ku xareesan yihiin Ciidamo Loo taba barayo DFS Ee Kusugay Dagmada Jowhar Ee Gobalka Shabeelada Dhexe

Sababaha Loo Dilay Sarkaal kaasi Ayaan Lagaraneenin Ayadoo Maleeshiyadii dishayna Ay Ku Baxsaden garigii ay wateen .

Falalka Ceyn kan Oo Kalaa Oo Lagu Ugaarsanayo Saraakiisha Aqoonyahanada Iyo Culmada Ayaa Waxey Muqdosho Kanoqdeen Kuwa Iska Joogta ah Oo Lamid Noqday Nolasha Caadiga Ah

Muxyadiin Cali Jimcaale Jakuula

Jakuula@hotmail.com

Muqdisho Soomaliya