Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Saraakiil ka tirsan Q,M, ayaa waraysi layeetay dad lagu ee daynaayo inay ka danbeeyeen dilkii Sarkaalkii Q,M, iyagoo ku jira xabsi ku yaala magaalada kismaayo,

Saraakiil ka tirsan Q.M oo ku sugan magaalada Kismaayo oo maalmahaan halkaasi ka waday baaritaan ku aadanaa dilkii loo geeystay Marxuum Max'ed Muuse Guraage ayaa maanta waxa ay wareysiyo la yeesheen dad lagu soo eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilkaasi.

9 ruux oo ku jira xabsiga degmada Kismaayo oo lagu soo eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilka sarkaalkaasi ayaa maanta waxaa wareysiyo la yeeshay saraakiil ka socotey Q.M, iyagoo sheegay in natiijada ay shaacin doonaan maalinta axada ah ee fooda inagu soo heysa.

Marxuum Guraage oo ahaa isagu Sarkaal hay'adaha samafalka Q.M ugu qeybsanaa dhinaca amaanka ayaa waxaa 3 dii bishii October lagu dilay magaalada Kismaayo, iyadoo dilkiisa ay saameyn ku yeelatay holwihii hay'adaha samafalka ay ka fulin rabeen gobolada Jubooyinka.

Isbaheysiga D/jubba ee ka arimiya magaalada Kismaayo ayaa ku tilmaamay dilkaasi mid wuxuushnimo ah oo looga soo horjeedo arimaha gargaarka, iyagoo sheegay in ay soo qabteen dad ay sheegeen in ay ku lug lahaayeen dilkaasi.

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya