|
Madaxdii ku shirtey Sanca oo ugu baaqay Golaha Amaanka ee QM in uu ka qaado
Somaliya cunaqabateynta hubka
Hogaamiyasha ururka Sanca ayaa Qoraal ay soo saareen markii uu
dhamaadey shirmadaxedkoodi Cadan waxa ay ugu baaqeen Golaha Amaanka ee QM
inay ka qaadaan Soomaaliya xayirada hubka ee saaran.
Hogaamiyshan ayaa sheegay in ka qaadista Soomaliya xayiraada hubka ee Saaran
ay suuragelinayso in Soomaliya loo diro ciidamo nabada ilaaliya kuwaas oo
wax weyn ka tari doona sidii waddanka Soomaliya uu noqon lahaa waddan
xasiloon
Waxa ay hogaamiyasha isbahaysiga Sanca ay sheegen in ay si wayn u taageersan
yihii natiijadii ka dhalatay shirkii dibu heshiisiinta
Soomaliya,waxayna sheegen in sidoo kale wax sheegeen in ay ahayd talaabo
horumar leh dib uguuridii xukumada Soomaliya gudaha dalka.
Waxayna sheegen in ay ka go'an tahay in ay xukumada Soomaliya ku
taageraan sidii ay awoodeda ugu fidin lahayd dalka oo dhan, iyo sidi ay dib
ugu dhisi lahayd hay'adihii asaasiga ahaa iyo ilihii dhaqaalaha waddanka
sidoo kale waxay sheegeen in ay lagama marmaan tahay sidii dib loogu dhisi
alahaa ciidankii nabadgelyada iyo amniga waddanka.
Hogaamiyashu waxay sheegen in Soomaliya oo midaysan ay dalalka deriskeeda ah
kala qayb qaadan karto dadaalada lagu sugayo amniga Bariga Afrika.
Waxay hogaamiyashani sidoo kale ugu baaqeen hogaamiyasha beesha caalamka in
ku taageeran xukumada Soomaliya sidii ay cagaheeda isugu taagi lahayd
.
Xasan Maxamed Xaaji
Indiana, USA.
|