Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Safiirka Talyaaniga ee arrimaha Soomaaliya oo maanta la kulmay xunbaha dawlada ee Muqdisho.

 Safiirka dalka Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mario Vitelli ayaa waxa uu  kulan la yeeshay xubnaha dowladda ee magaalada Muqdisho ku sugan. Kulanka masuuliyinta dowladdu ay la yeesheen safiirka Talyaaniga ugu qaabilsan Soomaaliya u qaabilsan ayaa ka dhacay hotelka Saxafi oo ay inta  xubnaha dowladda ee Muqdisho ku sugan adeegsadaan.

 Safiirka iyo xubnaha dawlada ayaa lagu waramayaa in ay kawada hadleen arimaha labada dhinac taabanaya, khilaafka u dhexeeya xubnaha labada gole ee dawlada Somalia iyo sidii loo xalin lahaa. Waxaa kaloo labada dhinac ay isla soo hadal qaadeen caynka uu noqonayo doorka dowladda Talyaaniga ee ku wajahan dalka Soomaaliya xilligan iyo mustaqbalka ,iyadoo sidoo kalana ay isla wada falanqeyeen labada dhinac dhaleeceyntii dhawaan xubnaha Muqdisho ku sugan ay ujeediyeen xukuummado ay Talyaanigu ka mid ahyed.

 Safiirka dowladda Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliay Mario Vitelli waxaa uu sheegay in dawladiisu  ay wax badan ku dadaali doonto sidii Soomaalia ay gacan u siin lahayd islamarkaana ay dadaal aad u farabadan ku bixineyso sidii loo soo dhameyn lahaa is afgarawaaga ka dhex jira dowladda Fs .

 

Masuuliyiinta labada gole ee dowladda Soomaaliya oo uu guddoomiyaha baarlamanku uu horkacayo ayaa dhinacooda  sheegay in ay ku faraxsanyihiin Talyaaniga in ay isusoo dhawaadaan ,islamarkaana ay baajiyeen dibadbixii u qorsheysnaa Muqdisho in ay ka dhigaan ee Talyaaniga lagu canbaareyn lahaa .
 
Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv Muqdisho