Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Ibraahin jeebbo: Waxaa la furayaa dhowaan safaaradihii Soomaaliya ay ku laheyd Dalalka islaamka

Wasiir u dowlaha arimaha dibadda ee dowladda fedraalka Soomaaliya Ibraahim Sheekh Cali (jeebbo) ayaa shaaca ka qaaday in Shan dal oo ka mida Dalalka islaamka ay si cad u sheegeen inay furayaan safaaradihii Soomaaliya ay ku laheyd oo muddo badan albaabadu ay laabnaayeen.

Ibraahim jeebbo ayaa sheegay furitaanka safaaradaha ay u xaqiijiyeen Madax ka tirsan wadamadaasi oo uu sheegay inuu dhowaan kula kulmay dalka Yemen oo uu uga qeyb galay shir ay lahaayeen wadamada islaamka. Dowladaha Islaamka ee aqbalay dalabkeenii furitaanka safaaradaha waxaa ka mid ah ayuu yiri, dalalka Indonesia,UAE,Saudi arabia, Turkiga iyo Pakistan, oo uu tilmaamay inay sidoo kale balan qaadeen inay kaalmo dhinac kasta ah la garab is taagayaan dowladda soomaaliya.

Hadalka Wasiirka ayaa ku beegmaya xilli la iibinayo safaaraddihii Soomaaliya ee dalalka Bilguim iyo Swiseland kadib markii la shaaciyay in qaar ka mida Diblomaasiyiinta Soomaalida ee halkaasi ku dhaqan ay wadaan ololahan lagu iibinayo.

Muxyadiin Cali Jimcalle Jakuula

Muqdisho Somaliya

jakuula@hotmail.com