Sedex Baabuur oo sida Saanad iyo Raashin oo gaaray D/Waajid
Illaa sedax Gaadiidka nooca loo yaqaano Samtrail ayaa maanta gaaray
degmada Waajid ee gobolka Bako
ol, kuwaasi oo sida wararku sheegayaan ay ku raran yihiin Saanad
milateri iyo raashin loo talagalay maliishiyaadka ku xareysan meelo ka mid
ah gobolka Bakool.
Gaadiidkan ayaa waxaa ay ka soo ambabaxeen magaalada Jowhar oo xarun u
ah qeyb ka mida Dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana gaadiidkani uu
qeyb ka yahay qaar kale oo loogu talagalay inay sahay ciidan gaarsiiyaan
goobaha ay maliishiyaadka Dowladda kaga sugan yihiin gobolada Soomaaliya.
Sahaydan ayaa waxaa gudoomay Wasiiradii maalmahan ku sugnaa Xuddur,
waxaana warar kala duwan oo xuddur ka soo baxaya ay sheegayaan in
ciidankan loo daadgureyn doono xeryaha tababarada ee kulaala magaalada
Jowhar, haatana ay ku jiraan maliishiyaad ka kala yimid Puntland, Hiiraan
iyo Sh/dhexe.
Si kastaba ha ahaatee sahaydan oo ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo
la gaarsiiyo halkaasi ayaa sare u qaadi karta rajada maliishiyaadka Bakool
iyo weliba tan dowladda federaalka garabkeeda Jowhar.
Muxtadiin Cali Jimcaalle Jakuula
Muqdid\sho Somaliy
jakuula@hotmail.com