Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Roob socday sadex maalmood oo qasaare gaystay meelo ka mid ah Galguduud

Roobab Lixaad leh oo ka da’ay tuulada Ceelqooxle oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka G/gaduud socdayna ilaa 3 maalmood oo xiriir ah ayaa lagu soo waramayaa in qasaarooyin ay u geysteen goobo ganacsi iyo Guryo dhowr ah oo halkaasi ku yaala, iyadoo tiro xoolo nool ay daadka roobabka ay la tageen.

Tuulada Ceelqooxle oo 18 km dhanka waqooyi kaga began degmada Ceelbuur ayaa roobaba lixaad leh oo ka da’ay halkaasi isla markaana socday 3 maalmood oo xiriir ah ay qasaare u gesyteen ilaa 108 guri oo ay ku noolaayeen dad rayid ah iyo 70 meelood oo goobo ganacsi ay ka furnaayeen.


Xaashi Geelle Ugaas iyo Axmed Gabeyre Fiidow oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan degaanka Ceelqooxle oo ay la xiriirtay RSTV ayaa waxaY u xaqiijiyeen in roobabkaasi ay qasaarooyin u geysteen sidoo kale xoolo fara badan oo isugu jira Geel iyo Ari oo tiradoodu guud ahaan ay gaareyso 200 oo neef.

Dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay qasaarihii ka dhashay roobabkaasi ayaa waxa ay iminka ku sugan yihiin meel taag ah oo hoy la’aan iyo cunno xumo ay ku heysato.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in tuulada Ceelqoooxle oo ka tirsan degmada Ceelbuur ay iminka tahay go’doon ka dib markii wadooyinkii tuuladaasi ay ka sameysmeen boholo gaadiidka uusan ka gudbi Karin.

MUXYADIIN CALI JIMCAALLE JAKUULA

JAKUULA@HOTMAIL.COM

MUQDISHO SOMALIYA