Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

           Roobabkii dayrta oo ka Curtay Dhuusamareeb

Wararka laga helaayo magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta gobolka G.gaduud ayaa sheegaya in uu ka curtey roobkii deyrta ee xiligan iyadoo halkaasi ay ka jireen abaaro baahsan oo saamayn ku yeeshay nolasha dadka iyo duunyada

Max'uud Xuseen Jimcaale Jeeb Yare oo ka mid ah dadka ku dhaqan magalaada Dhuuso Mareeb oo u waramayey RSTV khadka isgaarsiinta Fooneeyaha ayaa waxa uu sheegay in maalinimadii shalay magaaladaasi ay isugu soo baxeen dad badan oo roob doon ah oo Allaah ka baryay in uu roob u keeno, waxaana habeenimadii xalay ka da'ay degaanadaasi roobab.

Lama soo sheegin wax khasaaro ah oo ay geeysteen roobabkaasi inkastoo ay jiraan daadad ka dhashay roobakaasi, Degaanadaasi ayaa waxa horey uga jirey abaaro daran oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ku dhaqan halkaasi.

Muxyadiin cali jimcaalle jakuua

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya