Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

R/wasaare geedi oo raali galin kabixiyey banaan bixii looga soo hor jeeday danjiraha Tanlyaaniga u fadhiya Somaliya,

Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa cudur-daar ka bixiyay bannaanbixii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee looga soo horjeeday Wakiilka Dowladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Mr MARIO RAFEALLI.

Prof Cali Maxamed Geeddi ayaa qadka Teleefoonka kula hadlay Wakiilka Talyaaniga Soomaaliya Mr Mario una sheegay in bannaabaxaas ay ka dambeeyeen kooxo nabad diidiyaal ah oo ka soo horjeeda xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Dowladda Talyaaniga.

Shir deg deg ah oo shalay gelinkii dambe ka dhacay Magaalada Jowhar uuna ka qeybgalay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa laga soo saaray qoraal Dowladda Federaalka Garabka Jowhar ka socda kuna socda Dowladda Talyaaniga.

Arrintan ayaa waxay ku soo began tahay xilli Magaalada Jowhar ku soo fool leeyihiin wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga oo laga sugayo halkaasi. Ra’iisal Wasaare Geeddi ayaa ku tilmaamay bannaanbaxa ka dhacay Xamar mid meel ku dhac ka ah Dowladda Talyaaniga iyo Shacabka Soomaaliyed,wuxuuna caddeeyay inuu ka bixiyay raali gelin buuxda

muaxyadiin Cali jicaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya