|
Qorshe ladoonayo in maamul loogu sameeyo Bakool oo laga hor yimid
Waxgarka gobolka Bakool ayaa ka soo horjeestay qorshe ay wadeen wasiirada
ku sugan Xudur oo lagu doonayay in lagu sameeyo maamulada degmooyinka
gobolka Bakool.
maalmahaan waxaa u socday odayaasha iyo wxagaradka gobolka Bakool ayaa
waxa ay ku gacan seyreen qorsheyaal ay wadaan wasiirada ku sugan Xudur oo ay
ku doonayaan in ay dib u dhisaan maamulada degmooyinka 5 ta ah ee uu ka
kooban yahay gobolka Bakool.
Waxgarkaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan in xilalka
degmooyinka gobolka Bakool dib loogu magacaabo ragii horey RRA dii burburtey
ay magacowday, taasoo ay ku eeyeen wasiirada ku sugan Xudur in ay ku talo
jiraan dib u magacaabista ragaasi.
Malaaq Macalin Aadan iyo Malaaq Max'ed Nuur oo ka mid ah waxgaraadkaasi
ayaa waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in loo magacaabo xilalkaasi dad u
qalma isla markaana aan u badneyn hal qabiil waa sida hadalka u dhigeene.
Kulamo wadatashiyo ah oo wasiirada ku sugan Xudur ay la qaateen Odayaasha
ayaa ku dhamaaday nmatiijo la'aan ka dib markii ay isku fahmiwaayeen qaabka
loo dhisayo maamulada degmooyinka gobolka Bakool.
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmailcom
muqdisho somaliya
|