|
Wasiirada Hubaysan ee muqdisho oo ka biyo
diidan Qorsha nabada ee Bare Hiiraale
Wasiirada hubeysan ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Labo Wasiir ayaa ka
hor yimid in wax wadahadal ah lala yeesho Madaxweynaha Dowladda Federaalka
Soomaaliya C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal wasaarihiisa Cali Maxamed Geeddi
inta ay jowhar ku sugan yihiin.
Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi iyo Wasiirka Ammniga Qaranka Maxamed
Qanyare ayaa ku khilaafay xubnaha Labada Gole ee Muqdisho qorshi ahaa in
wadada wadahadalka lala yeesho xubnaha ku sugan Jowhar.
Maxamed Qanyare ayaa ku adkeystay inuusan la hadli doonaan xubnaha ku
sugan Jowhar ilaa ay raali gelin kaga bixiyaan qaladkii ay ka galeen
Dastuurka.
Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa ka biya diidsan in
wax wadahadalo ah lala yeesho xubnaha ku sugan Jowhar,isagoo ku eedeyay
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf inuu sabab u yahay dagaaladii ka dhacay Magaalada
Baydhabo.
Muuse Suudi ayaa isna diidan qorshaha uu wadao Barre Hiraale ee ah in
lala hadlo xubnaha Jowhar,wuxuuna caddeeyay in wadahadal imaan karo oo
keliya marka ay xamar yimaadan Madaxweynaha iyo xubnaha kale.
Muxyaduiin Cali Jimcaalle Jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|