| Q,M
oo jowhar u aqoon satay xarunta ku meelgaarka ee somaliya iyo Fall oo diiday
inuu Muqdisho tagayo
Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Guud ee Q.M Fall oo maanta soo gaaray
Magaalada Jowhar, ayaa kulan la qaatay Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed,
waxayna ay ka wada hadleen sidii loo dhameyn lahaa is qabsiyada ka
dhexeeyay maamulka DFS oo tan iyo markii laga soo laabtay Magaalada Nairobi
uu khilaaf u dhaxeeyay.
Mr Fall oo shir jaraa'id ku qabtay Madaxtooyada ayaa sheegay in ay ka wada
tashteen isaga iyo Madaxweynaha sidii loo xoojin lahaa hanaanka nabadda
soomaaliya, islamarkaana soomaalidu ay dhexdeeda khilaafka ka jira xaliso.
Q.M waxa ay xarun KMG in ay dowladda u tahay aqoonsantahay Jowhar, inta laga
xasilinayo Muqdisho" ayuu hadalkiisa ku sii daray Mr fall oo ku booriyay
dhamaan hogaamiyayaasha soomaalida in ay soo afjaraan khilaafka u dhaxeeya.
isaga oo sii hadlaya ka hor inta aanu ku laaban Magaalada Nairobi Mr Fall
waxa uu cadeeyay in uu jiro hindise ay wadaan oo ah sidii loo afjari lahaa
khilaafka ka dhaxeeya dowladda, iyada oo la marayo hishiikii soomaalidu ay
ku gaareen Nairobi, waxana uu soo dhaweeyay hindisaha Madaxweynaha oo ku
aadan sidii soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa qaranimadeedana loo soo
celinlahaa.
"waxaan kawada tashanaya aniga iyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubnaha
Dowladda intaba ee ku sugan xarunta KMGka sidii loo sii ambaqaadi lahaa
geedi socodka nabadda Soomaaliya' ayuu yiri, isaga oo ku sii daray in ay
muhiim tahay in wax kasta laga hormariyo maslaxadda Dalka burburay ee
Soomaaliya.
waxaan ku sii jeedaa New-york ayuu yiri oo aan kaga qayb gali doono shir
golaha amaanku ay ku yeelan doonaa waxana halkaasi uga warbixin doonaa wada
atshigan aan halkan (jowhar) kula yeeshay Madaxweynaha iyo sida dowladdu ay
dadaal ugu jirto soo celinta nabadda dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed, isagu kama qayb qaadan shirkan
jaraa'id, mana jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ku saabsan kulanka uu la
qaatay Mr Fall oo ka soo baxay Xafiiskiisa.
Intii uu noo socday Kulankii aan la yeeshey madaxweyne C/laahi Yuusuf
waxaan maqlay war ku saabsan in la qaarjin rabay mid ka mid ah wasiiro k/xigeenada
ku sugan magaalada Muqdisho oo ka tirsan DFS taasina waan cambaareynayaa
ayuu yiri Fall
Waxaana soo if baxaayey mudooyin kaan danbe dadaal uu doonayo inuu ku soo
af jaro wakiilka Q,M Fall kala qaybsanaanta xubnaha labada gole ee ku kala
sugan muqdisho iyo jowhar
Muxyadiin cali jimcaale jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|