|
Qiimaha hubka ee magaalada Muqdisho
oo hoos udhacay
Qiimaha
la kala siisto hubka suuqa hubka ee Cietoogte ee maagalada muqdsiho ayaa
hoos udhacay ka dib markii ay soo ifbaxeen wararka sheegaya in hub badan uu
soo galey magalada Muqdisho .
Mid ka mid ah
ganacsatada hubka ku iibisa suuqa Cirtooga laguna magacaabo C/laahi Cabdi
Nuur ayaa u xaqiijiyay webka Rochester hoos u dhacaan wuxuuna sheegay in
qoriga loo yaqaano Ak47 lagu kala iibsado $320 halka horey lagu kala iibsan
jiray $365 doolar isagoo intaa ku daray in hub farabdan oo Ak47 ah ay soo
galeen suuqyada hubka ee magaaladan moqdisho kuwaasoo kakala yimid wadamada
yaman iyo itoobiya
Arintaan ayaa ku soo beegantay xilli
wasiirka amniga qaranka ee dawlada federaalka soomaaliya maxamed qanyare
afrax uu ku eedeeyay wadamada itoobiya iyo yaman in aanay daacad ka ahyn
arimaha somaaliya islamrkaana ay hubsiinayaan qaar kamid ah xubnaha labda
golee dawlada kadib khudbad uu ka jeediyay munaasab lagu maamuusayay 1da
luulyo oo ka dhacday magaalad moqdisho
dhanka kale warar soo baxay ayaa sheegaya
in diyaarad hub sida ay kasoo dagatay magaalda boosaaso iyadoo la sheegay in
diyaaradaan ay ka timid dalka yaman waxaa sidoo kale lagu waramay in
diyaaradan ay siday dareeska ciidamada oo ay u siday madaxda sare ee
dawlada.Warar aanu ka helnay magaalado Boosaao ayaa inoo xaqiijiyey in in
hubkaasi faraha badan ay keentay dayaaradii uu ku yimid madaxweyne C/laahi
Yuusuf Axmed.
Horey ayaa gudoomiyaha gobolka
shabeelaha dhexe Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed dheere oo siyaasad ahaan ku
fikir ah madaxweynaha iyo raisulwasaaraha waxa uu ku eedeeyey xubnaha
Muqdisho ku sugan in ay hub iyo ciidamaba ay kasoo dejinayaan garoonka
Balidoogle .
Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed
Cadde)
Rochester Somali Tv
Muqdisho
Cadde_8@hotmail.com
|