Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Cabdi qaybdiid ayaa laga sii daayey xabsi uu xirnaa 4 maalmood waddanka Sweden ka markii dambi lagu waayey

Cabdi Qeybdiid ayaa maanta markii la sii daayay, isagoo ku sugan Garoonka Gothenburg wareysi uu bixiyey ku eedeeyay xarigiisa in uu ka dambeeyay madaxweynaha dowladda FS C/laahi Yuusuf Axmemed

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo mudo 4 cesho ah ku jirey gacanta Booliska Sweden ayaa siideyntiisa timid ka dib markii maanta la horkeenay maxkamada ku taala magaalada Gothenburg ee wadanka Sweden oo ku soo oogtay eedo ay tabanayeen Soomaali ku nool magaaladaasi oo Cabdi Qeybdiid Maxkamada u gudbiyay Dacwadiisa ka dib markii ay sheegeen in uu mas’uul ka ahaa barakicii ku yimid boqolaal kun oo Soomaali ah oo iyagu ay ka mid ahaayeen sida dacwooyinkooda lagu sheegay.

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa maxkamada Sweden waxa ay weydiisay su’aalo dhowr ah oo ku jirto in uu ka garbaxo xadgudubyada bani’aadnimo ee lagu soo oogay.

Macadda ilaa iyo iminka Maxkamadu in ay shaacisay in Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid dambi lagu waayay hasayeeshee waxaa muuqata in dowladda Sweden ay Cabdi Qeybdiid sii deysay, waxaana lagu wadaa in loo soo musaafuriyo dalka Somalia, iyadoo Cabdi Qeybdiid waraysi uu bixiey ku eedeyey isagoo ku sugan Gothenburg ku eedeeyay in xarigiisa uu ka dambeeyay Madaxweynaha dowladda FS

Xariga Cabdi Qeybdiid ayaa waxaa cambaareeyay Qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan daafaha caalamka.

Banaanbaxyo socday labo maalin oo ay ka soo qeybgaleen xubnaha labada gole ee magaalada Muqdisho ayaa lagu muujiyay shalay sida looga xumaaday xarigga Cabdi Qeybdiid.

Cabdi Qeybdiid ayaa ka mid ahaa wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Baarlamanka oo lagu casuumay shir looga hadlayay horumarinta demnuquraadiyada Geeska Afrika oo lagu qabtey dalka Sweden.

muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya