| Qaxooti
Somali iyo Etoobiyaan ah oo mar qura laga waayey Xeradii ay ku jireen
qaxooti ku isuguna dalka zinbaawe oo isugu jira Soomaali iyo ethiopian kuna
noolaa xero qaxooti oo ku taala dalka ayaa wararku waxa ay sheegayaan in ay
faaruqiyeen xeryahaasi, iyadoo la waayay meel ay aadeen.
Gabar madax ka ah laanta socdaalka Zimbaabwe oo la yiraahdo Listo Mugadi
oo u waramaysay wargeyska la yiraahdo The Herald ayaa sheegtay in la waayay
qaxootigaasi oolagu qiyaasay 300 ooruux mudo labo bilood ah ku jirey xero
qaxooti ah oo ku taala dalka Zimbabwe xilli dowladda ay qorsheyneysay in
qaxotigaasi ay u sameyso waraaqo ay ku joogaan dalkaaasi.
Gabadhaasi ayaa waxa ay sheegtay in qaxootiga Soomaalida iyo Ethiopianka
ay wado u noqotey dalka zimbaabwe oo ay kaga sii gudbaan dalka K/afrika.
Dhinaca kale booliska dalka Zimbabwe ayaa waxa ay xireen 61 ruux oo
ajnabi ah oo la sheegay in ay ku galeen dalkaasi si sharci darro ah.
Booliska magaalada Haraare ayaa sidoo kale waxa ay xireen ilaa 26 ruux oo
qaxooti ah bishii la soo dhaafay, ka div markii la arkay iyagoo soo galaya
magaalada Haraare.
3 dii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxa ay qabteen booliska dalkaasi 36
ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo la sheegay in ay ku sii jeedeen dalka K/afrika
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|