Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

 

Qaxootiga ka soo barakacay gobolada dalka qaarkood ee Muqdisho ku sugan ayaa xaalado cakiran haatan ku nool..

 Xaalado caafimaad daro, hooy la'aan, hunguri yaro ayaa waxa ay la soo daristay dadka qaxootiga ee ka soo bara kaceen gobolada dalka qaarkood ee ku dhaqan haatan xeryaha qaxootiga ee magaalada muqdisho ku yaala.

 Dadkaan qaxootiga ah ayaa sitimaanadii ugu dambeeyay dushooda ku dul dhamaadeen dhibcaha roobka xagaaga ah oo soomaaliya ka curtay, iyagoo aanan haysan hooy ay ugu gambadaan dhaxanta iyo dhibcaha roobka.

Haddaba mararka ay da'ayaan roobabka ayaa dadka ugu badan ee qasaaraha nafsadeed iyo maalba leh soo gaara ay yihiin dadkaan qaxootiga ah oo aad ugu tabaalaysan, mana jiraan wax saacida dadkaan qaxootiga ah.

 Iyadoo dhibaatada roobabka ay haystaan qaxootigaan ayaa waxaa u sii dheer cuduro ka dhax jira xeryooyinka ay degan yihiin waxaana ka mid ah cuduradaas Kaduudiye, Jadeeco, Shuban, iwm, waxaan keenaya cuduraadan in ay ka dhax dilaacaan dhinaca nadaafada oo ay aad ugu liitaan wasaq aad u fara badan dhax yaalin meelaha ay jiftaan iyo meelaha ay ka cunteeyaan.

Hadaba ma jiraan cid taakuleysa dadkaan qaxootiga ah ee aadka u tabaaleysan, balse mar marka qaarkood ayaa deeqo yar yar u fidiyaan Hay'adaha qaramada midoobe ee ka howl gala dugaha soomaaliya.

 

Isku soo duuboo yadoo dhibaatooyinkaan faraha badan haystaan qaxootigaan ayaa waxaa jirta tacadiyo fara badan oo bani aadamnimada ka baxsan in loo geysto dadkaan, iyadoo mar marka qaarkood haweenka qaxootiga ah la kufsado ama raga qaxootiga ah shaqooyinka ay qabtaan loo diido in la siiyo lacagaha ay ku qabteen shaqooyinkaan ama la jirdilo.

 

Wariye
Abdifitahaam Ahmed
Rochester Somali TV
Mogadishu - Somalia


E-mail: abdifitahaam@hotmail.com